Dagaal xooggan oo maalintii shanaad ka socda magaalada Balad Xaawo.

Tuesday July 29, 2025 - 13:42:06
Liibaan Jeexoow
Dagaallo xoogan oo u dhaxeeya maleeshiyaadka kala taabacsan Xasan Gurguurte iyo Axmed Madoobe ayaa mar kale dib uga billowday dagmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Dagaalkaan oo barqanimadii maanta qarxay ayaa wuxuu udhaxeeya maleeshiyaad uu hoggaaminayo C/Rashiid Janan ay foodda is dareen maleeshiyaadka Jubbaland.

Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka culus, iyadoo xaalad adag ay ku jiraan dadka shacabka ah ee ku dhaqan dagmada Baladxaawo.

Dagaallkaa oo socda mudo Shan maalin ah ayeey dhinacyadu midkasta waxa uu doonayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa degmada, waxaana soo kala gaaraya gurmadyo kala duwan.

Maleshiyaadkii ku dhaawacmay dagaalladii shalay ayaa waxay koxoda Villa Somaliya ay usoo daabushay dhanka magaalada Mogdisho halkaas oo lagu geeyay diyaarad Helicopter ah.

Sidoo kale dhaawacyada maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ayaa iyagana loo daad-gureeyey cisbitaallada Balaxaawo.

Kumanaan ka mid ah shacabka ku dhaqan Baldxaawo ayaa ka barakacay guryahooda iyagoo badanaa u jihaystay dhanka Mandheere.

Dadka rayidka ah qaarkood ayaa weli ku go'doonsan yihiin gudaha magaalada, mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo ka socda magaalada Balad Xaawo.

Related Items

Update cookies preferences