Gurguurte oo ku sugan Addis Ababa iyadoo xubno ka tirsan weftigiisa lagu reebay Jabuuti.

Monday July 28, 2025 - 11:52:14
Liibaan Jeexoow
Xilli ay sii xoogeysanayaan loollanada awoodeed iyo siyaasadaha isdiiddan ee ka jira geeska qaaradda Afrika ayay Kooxda Villa Soomaaliya wajahaysaa cadaadisyo hor leh oo uga imaanaya Xabashida Itoobiya.
Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa Xasan Gurguurte iyo xubno ka tirsan maamulkiisa uga yeeray magaalada Addis Ababa si uu wax uga weydiiyo xiriirka kala dhaxeeya Masar.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu aqbalay amarka uga yimid R/wasaaraha Itoobiya balse wuxuu sii maray Ismaacii Cumar Gelle madaxweynaha xukuumadda Jabuuti si uu ugala tashado qaabka uu u wajahayo cadaadisyada uga imaanaya Itoobiya.

Xubno ka tirsan wafdiga Xasan Sheekh ee loo qorsheeyay in ay ku wehliyaan safarka Addis Ababa ayaa la sheegay in Itoobiya diidday in dalkeeda ay soo galaan waxaana looga tagaya wadanka Jabuuti.

Abiy Axmed ayaa madaxa kooxda Villa Somaliya ku cadaadinayo in uu aqbalo caasuumadda ka qeybgalka xaflad weyn oo lagu furayo biya-xireenka Al Nahda balse ay ka caga-jiidayaan madaxda kooxda Villa Somaliya sababa laxiriira raalligelinta dowladda Masar.

Xukuumadda Addis Ababa waxay doonaysaa in nidaamka Muqdisho uu wafdi heerkiisu sarreeyo uga qeyb-galo xafladda, warar kale ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ay diidan yihiin in ciidamo Masaari ah cagaha soo dhigaan Soomaaliya.

Dowladda Xabashida ayaa doonaysa in ay hesho qeyb ka mid ah biyaha badda Soomaaliya iyadoo adeegsanaysa awoodeeda siyaasadeed iyo midda ciidan intaba.

Kooxda Xasan Gurguurte ee hoggaamisa maamulka itaalka daran ee ka jira Soomaaliya ayaa ku dhax hafanaysa siyaasadaha isdiidan ee dowladaha gobolka.

Related Items

Update cookies preferences