Wararka ka imanaya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab la beegsadeen guri ku yaalla magaalada Baydhabo.
Gurigan oo burbur xooggani soo gaaray ayay wararku tibaaxayaan in uu deggen yahay Maxamed Sheekh Ceerow oo ka tirsan xildhibaannada kooxda Villa Somaliya.
Sidoo kale jihaadiyiintu waxay dagaal culus ay habeennimadii xalay ku qaadeen xerada maleeshiyaadka Laftagareen ee deggaanka Baru-jeed ee duleedka Baydhabo.
Geesta kale waxaa sii kordhay khasaaraha qarax ay jihaadiyiintu ku beegsadeen kolonyo maleeshiyaadka Jubbaland ah oo ku socdaalayay agagaarka Baarsan-guuni ee duleedka Kismaayo.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya dhimashada ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-Madoobe oo ay ku jiraan labo sarkaal oo lagu kala magacaabo Ismaaciil-Ganey iyo Cali-Aar.
Dhaawacyada maleeshiyaadka ayaa sidoo kale gaaraya ugu yaraan 8 askari, halka uu basbeellay gaari Cabdi Bile ahaa oo qaraxu haleelay.
Dhinac kale waxaa faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxaysaa weerarkii shalay jihaadiyiintu kula wareegeen degmada Maxaas ee bariga gobolka Hiiraan.
Weerarkan oo dhegta dhiigga loogu daray maleeshiyaad tiro-beel ah, ayaa tirakoobkii horu-dhaca ahaa ee Xarakadu soo gudbisay ay u ku sheegtay 63 askari oo dhimasho ah iyo 84 dhaawac ah, balse warar hoose oo aanu helay ayaa sheegaya in tiradu intaas ay aad uga badan tahay.
Magacyada qaar ka mid ah maleeshiyaadkii lagu xasuuqay weerarkaasi cag-marinta ahaa ee shalay ka dhacay Maxaas ayaa kala ah:
1-Maxamed Shidane-Taliyihii NISA ee Cadaado.
2-Maxamed Yuusuf Geedi.
3-Bidixeey Muumin Shidane
4-Cabdi Cabdulle Hibaat
5-Ciise Gafuur.
6-Shariif Sheekh Cusmaan Cabdulle.
7-Yuusuf Daangaab – waa sarkaal.
8-Geedi Cadow Hoote – Waa sarkaal.
9-Ciise Cabdullaahi Axmed Nuur.
10-Macalin Shariif.
11-Daahir Xuseen Fiidow.
Sidoo kale magacyadda qaar ka mid ah maleeshiyaadkii lagu dhaawacay hawl-galkan shalay lagula wareegay Maxaas ayaa kala ah:
1-Duraan Xarawo - Taliye ku xigeenka NISA ee Galmudug.
2-Cabdullaahi Xuseen Burukur - Sarkaal
3-Abuukar Jimcaale Tooxow (Miciyeey) Sarkaal
4-Cabdullaahi Maxamed Xuseen (Il-kuus) Sarkaal
5-Ciise Axmed Geedi (Rabbeeye) sarkaal.
Raayada Tawxiidka ayaa maalintii labaad ka babanaysa degmada Maxaas, waxaanay wararku sheegayaan in xaaladda deggaanku ay deggen tahay, jihaadiyiintuna ay si buuxda u maalayaan.