Gurguurte oo la saadaalinayo in dalka uu uga cararo sidii Ashraf Ghani ama isu casilo sidii Maxamed Najiibullah.

Monday July 28, 2025 - 07:00:10
Liibaan Jeexoow
Tan iyo xilligii Xasan Sheekh uu la wareegay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya bartamihii bisha Maarij, 2022 waxa bilaabmay guluf culus oo ku aaddan kooxda Alshabaab.
Dagaalka fagtii hore Xasan waxa uu ka gaarey guulo wax ku ool ah taas oo kooxda AS ku sababtey in ay dib uga gurtaan magaalooyin ay maamulayeen dhowr iyo toban sano.

Dabayshii duullaanka ee u socotey dhanka kooxda AS waxa ay isbeddeshay markeliya 26 Ogosto, 2023 taas oo ahayd maalintii uu dhacey dagaalkii Cowsweyne.

Jab weyn ayaa soo gaarey Xasan iyo kooxdiisii Villa Somalia waxaana dagaalkaasi ka tagey ku dhawaad 200 oo askari inta la ogyahay kuwaasi oo ka dhintey DF.

Xasan waxa uu xilligaas warbaahinta kaga calaacalay in isla xisaabtan jiri doono maaddaama kooxdiisa jab culusi soo gaarey.

Maalintaa wixii ka dambeeyay waxa dirirtu isu beddeshay AS oo weerar ah iyo DF oo difaac ah, halka markiihore weerarka cidda wadday ay ahayd Huwantii ka koobnayd Federaalka iyo waddamada shisheeye.

Haddaba waxa sannad waxyar la’ kaddib AS shaley la wareegeen degmada istaraatiijiga ah ee Maxaas taas oo dhacda Gobolka Hiiraan.

Jabka soo gaarey Xasan waxa laga aqrisan karay wajigiisa xilli shaley Axaddii uu ku sugnaa caasimadda itoobiya ee Addis Ababa.

Guuldarrooyinka isdaba joogga ahaa ee usbuucyadii tagey ay AS ku qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ay ugu muhiimsanaayeen Aadan Yabaan, Masaajid Cali Guduud, Moqokori iyo Maxaas ayaa sababi kara furashooyin tiro badan maaddaama macnawiyaadka xoogagga jihaadiyiintu sarreeyaan.

Haddaba haddii qaabkan ay u sii socdaan weerrarada Islaamiyiintu waxa la aamminsan yahay in Xasan Sheekh uu xilka uga degi doono sidii hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee Afgaanistaan ee Soofiyeedku taageeri jirey Dr Maxamed Najiibullah.

Hoggaamiyahan ayaa kolkii uu iscasiley magan-gelyo weydiistey kuwa loogu yeero QM oo xarumo kulahaa Afgaanistaan gudaheeda balse iscasilaaddiisa afar sano kaddib waxa gacanta ku dhigey Xarakadii Daalibaan oo qaarajiyey ugu dambeyn.

Najiibullah waxa uu Afgaanistaan ku maamuli jirey taangiga Soofiyeedka intii u dhexaysay 1987 illaa horraantii sagaashamaadka isaga oo 1992 si rasmi ah isu casiley. Dabadeed waxa la diley 1996.

Khiyaarka kale ee Xasan Sheekh u bannaan waa in uu yeelo sidii Ashraf Ghani bartamihii Ogosto 2021 markaas oo Daalibaan soo gashey Kaabuul isna uu isaga cararey magaaladii uu madaxweyne-ku-sheegga ka ahaa tan iyo sannadkii 2014.

Ghani waxa uu magangelyo weydiistey dalka Immaaraadka Carabta oo la sheego in uu illaa hadda ku noolyahay.

Related Items

Update cookies preferences