Maxaas waa degmo istiraatiiji ah oo dhacda bariga gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Inkastoo aysan aheyn magaalo weyn hadana waxay leedahay muhiim dhanka marrinada ah oo waxay isku xirtaa dhowr degmo iyo dhowr gobol oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka.
Maxaas ayaa qiyaastii 90Km u jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, degmada Ceelbuur waxay u jirtaa 72Km, sidoo kale Maxaas waxay 90Km dhanka waqooyi-bari uga beegan tahay degmada Buula Burte.
Degmadan waxay isku xirtaa illaa sedax gobol oo kala ah Hiiraan, Sh/dhexe iyo Galguduud. Tusaale ahaan Maxaas ayaa 120Km u jirta degmada Guriceel halka ay 82Km u jirto degmada Aadan Yabaal ee Sh/dhexe.
Maxaas waxaa mara waddooyin istiraatiiji ah oo muhiimad u leh isaga kala gooshidda gobollada dhexe waxay qabsashadeedu u sahlaysaa dagaalyahannada Al Shabaab in ay xajistaan gacan-ku-heynta degmooyinka iyo deegaannada ay uga sugan yihiin Hiiraan, Galguduud iyo Sh/dhexe.
Muhiimadda magaaladan waxaa muujinaya in ciidanka Xabashida Itoobiya ay qabsadeen 24-KII Maarso 2014 iyagoo ku sugnaa muddo ka badan 11 sanadood oo xiriir ah.
Maxaas waxay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay xarun weyn u aheyd maleeshiyaadka Xabashida Itoobiya dhistay ee loo yaqaan Macaawisleyda kuwaas oo dagaallo ba'an la galay jihaadiyiinta Al Shabaab.