SAWIRRO: Daawo Al-Shabaab oo 12 sano ka bacdi dib ula wareegtay degmada Maxaas.

Sunday July 27, 2025 - 14:36:32
Liibaan Jeexoow
Mu'asasada Alkataa'ib oo ah garabka warfaafineed ee Al Shabaab ayaa faafisay sawirro muujinaya ilbiriqsiyadii ay dagaalyahannada jihaadiga ah la wareegayeen degmada Istiraatiijiga ah ee Maxaas.
Sawirrada ayaa lagu arkayaa dagaalyahanno hubaysan oo ku dhex roondeynaya degmada Maxaas isla markaana la wareegaya xarumaha ugu muhiimsan magaalada sida xarunta degmada iyo goobo kale.

Al-Shabaab ayaa magaaladan la wareegay kadib dagaallo saacado badan qaatay oo saaka ay la galeen maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, kuwaas oo ay dhegta dhiigga u dareen. 

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee horu-dhaca ah ee maleeshiyaadkaasi soo gaaray ayaa ku dhow 150 askari, sida goor dhawayd uu shaaciyey taliska millateriga Al-Shabaab.


Related Items

Update cookies preferences