147 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkii jihaadiyiintu ay kula wareegeen Maxaas. [BAYAAN]

Sunday July 27, 2025 - 12:55:09
Liibaan Jeexoow
War-saxaafadeed goor dhawayd kasoo baxay taliska millateriga Al-Shabaab ayaa lagu faahfaahiyey weerarkii cag-marinta ahaa ee jihaadiyiintu ay goor dhawayd kula wareegeen Maxaas.
Bayaankan ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:

"Mujaahidiinta oo 12 Sano Kadib Dib Ula Wareegay Degmada Maxaas”

02 Safar 1447H. (27 July 2025) – Ciidamada Mujaahidiintu waxay maanta oo Axad ah weerar cagmarin ah ku qaadeen saldhigyaddii ciidamada ridada ah ee degmada Maxaas, bariga Wilaayada Islaamiga ah ee Hiiraan.

Weerarka cagmarinta ah ayaa ku billawday camaliyad istish-haadi ah oo ay Mujaahidiintu ku burburiyeen taliskii ugu weynaa ee ay cadawga murtadiintu kaga sugnaayeen afaafka hore ee Maxaas, halkaas oo lagu gumaaday saraakiishii hoggaanka u ahayd maleeshiyada murtadiinta.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa hore ugu sii ruqaansaday dhanka magaalada Maxaas, waxayna dagaallo goos goos ah kadib, Mujaahidiintu – Allaah fadligiis – cagta mariyeen dhamaan difaacyadii cadawga, waxayna si buuxda ula wareegeen fariisimayaashii murtadiinta iyo guud ahaan degmada Maxaas.

Ciidamadii cadawga ahaa ayaa si habqan ah uga cararay furimaha dagaalka, waxay u kala firxadeen dhulka baadiyaha ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkii cagmarinta ahaa ee maanta ka dhacay degmada Maxaas iyo duleedkeeda lagu dilay 63 murtad oo intooda badan bakhtigooda looga cararay goobaha dagaalka, waxaana lagu dhaawacay 84 kale.

Khasaaraha cadawgu intaas waa uu ka badan karaa iyadoo maydad hor-leh laga helayo dhulka baadiyaha ah ee ay murtadiintu u kala firxadeen.

Cadawga lagu dilay weerarka maanta waxa kamid ahaa saraakiil horjoogayaal u ahaa dagaalada ashahaado la dirirnimada ah ee ay saliibiyiinta iyo murtadiintu ku soo qaadeen umadda Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Saraakiisha ku baqtisay weerarka Maxaas waxaa kamid ah murtad ashahaado la dirir ah oo ay muddo dheer Mujaahidiintu ku raad-joogeen kaas oo lagu magacaabi jiray Kornayl Maxamad Shidane.

Murtadkaan ayaa loo haystay falal wuxuushnimo ah oo uu kula dhaqmay shacab Muslimiin ah iyo abaabullo shareeca-diid ah oo uu ka sameeyay qaybo kamid ah gobollada Galguduud, Mudug iyo Hiiraan.

Mujaahidiinta ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub iyo saanad laga qabtay cadawgii lagu jebiyay dagaalka. Wixii soo kordha dib ayaan ka soo gudbin doonaa insha-Allah."




Related Items

Update cookies preferences