Duullaanka saliibiga ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya ayaa haatan waxa loogu yeero beesha caalamku ay si buuxda u garwaaqsatay in gebi ahaanba ay ku fashilantay, isla markana fuuq-bax millateri iyo mid dhaqaaleba ay ka dhaxleen dagaalkii qaraaraa ee muddada dheer ay kula jireen jihaadiyiinta Xarakada Al-Shabaab.
Wargeyska The Economist oo safka hore kaga jira warbaahinta caalamka, gaar ahaan Ingiriiska, ayaa khamiistii lasoo dhaafay baahiyey warbixin dheer oo uu ku lafa-guray fashilka dul-hoganaya kooxda Villa Somaliya iyo dhiiqada ay cagaha kula jirto, taas oo cinwaan looga dhigay "Mashruuca dowlad-dhiska Soomaaliya oo qarka u saaran in gebi ahaanba uu burburo”.
Xasan Sheekh Maxamuud, madaxa kooxda Villa Somaliya ayay warbixintu tilmaantay inuu ku fashilmay dagaalkii uu ku iclaamiyey jihaadiyiinta kadib markii dib loogu soo cumaamaday madaxa Villa Somaliya oo ay kasoo wareegtay saddex sano iyo dheeraad, iyadoo muddadaasi meelihii ay maleeshiyaadkiisu ku ruqaansadeen ee bartamaha Soomaaliyana ay jihaadiyiintu dib ula wareegeen.
Warbixintu waxa kale oo ay carabowday in xoogagga Al-Shabaab ay weerar qorshaysan ku beegsadeen Xasan Gurguurte laftarkiisa, kaas oo si dirqiya uga badbaaday, inkastoo ay jiraan ayay tiri warbixintu xubno kale oo goobtaasi ku naf-waayay. Isagoo geesta kalena wargeysku uu ka sanqariyey in sannadkan gudihiisa xerada Xalane ay bartilmaameed u noqotay hawl-gallada jihaadiyiinta.
Falanqeeyayaal caalamiya oo wargeysku xusay in tiradoodu ay sii kordhayso marba marka ka dambaysa ayaa cabsi iyo werwer badan ka muujiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay geli doonta gacanta dagaalyahannada Al-Shabaab, xilli ay sii yaraanayso ayuu yiri taageeradii beesha caalamku ay la barbar taagnayd kooxda kooxda Villa Soomaaliya.
Muuqaalka noocan ah ayuu wargeysku sheegay in uu ka dhigan yahay halista uu ku jiro masiirka mid ka mid ah mashaariicda dowlad-dhiska ee ugu da’da weyn adduunyada oo uu ula jeedo kooxda Villa Somaliya, oo dowladaha shisheeye ay muddo badan kusoo tabcayeen.
Maal-gelinta reer-galbeedka ee sii yaraanaysa ayaa sidoo kale uga sii dari karta ayuu yiri wargeysku xaalka maamulka Muqdisho oo markii horeba aan cago badan ku taagnayn. Iyadoo maal-gelinta ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaantana uu muran iyo mugdi badan hareeyey muddo sideed bilood ah, ilaa haatanna aan la helin cid u soo ban-baxda bixinta kharashaadkaasi.
The Economist waxa kale oo uu carab-dhabay in Midowga Yurub ay iyagoo niyad-jabsan caga-jiid ku bixiyeen kharashaadka hawl-galkii kan ka horreeyey ee ATMIS, taas oo wargeysku tilmaamayo kana dhigan in hawl-galkan cusub ee isbahaysiga AUSSOM uu madaxa la galay xaalad quus ah.
Qatar, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya ayuu wargeysku sheegay in iyaguna ay diideen codsi Midowga Afrika u gudbiyey oo looga dalbaday inay bixiyaan kharashaad deg-deg ah oo lagu maal-geliyo hawl-galkan ka lusha gebiga dheer ee isbahaysiga AUSSOM, xilli Maraykankuna uu jaray lacagihii kaga bixi jiray kooxda Villa Somaliya, isla markaana uu laalay qoonadada miisaaniyaddii cuntada, shidaalka iyo gunnada ee uu siin jiray calooshood-u-shaqaystayaasha uu ku adeegto ee Danab.
Warbixintu waxay sheegtay in natiijo la’aan ay kusoo idlaadeen tobonaan sano oo taageero dhan walba ah lala barbar taagnaa kooxda Villa Somaliya. Iyadoo haatan dalalka reer-galbeedka, gaar ahaan Maraykanka uu ka dhex-jiro guux aad u xooggan oo tilmaamaya rajo-beelka laga qaaday dawlad-dhiska kooxda Villa Somaliya ee muddada badan lasoo tabantaabinayay.
Peter Pham, oo ahaan jiray ergeyga gaarka ah ee arrimaha Afrika u qaabilsan maamulkii hore ee Donald Trump, ayaa isagoo tilmaamaya sida looga niyad-jabay kooxdan waxa uu yiri "Soddon sano haddii ay shaqayn wayday, mala oran karaa waa in wax kale la tijaabiyo…”
Taliyihii hore ee maleeshiyaadka calooshood-u-shaqaystayaasha Danab, Janaraal Axmed Cabdullaahi Sheekh oo wargeysku uu soo xigtay, ayaa si weyn uga qaylo-dhaamiyey ugaarsiga lagu hayo teliyeyaasha sare ee maleeshiyaadka, isagoo walaac xooggan ka muujiyey dilal isdaba-joogga ah oo uu sheegay in jihaadiyiintu ay ku beegsadaan saraakiisha ciidanka.
Wargeysku waxa uu daboolka ka qaaday in cabsida ugu weyn ee haatan jirtaa ay tahay jihaadiyiinta oo u ruqaansaday dhinaca magaalada Muqdisho, maadaama cududda ciidamadii huwanta ahaa ee muddada badan duullaanka ashahaado-la-dirirka ah ka waday dalka Soomaaliya. Waxaanu The Economist isagoo tilmaamaya sida uu gabbalkeedu usii dhacayo kooxda Villa Soomaaliya uu yiri "Mid ka mid ah dowladaha Afrika ugu jilicsan ayaa u muuqata mid sii daciifaysa.”
Sidoo kale gudaha Washington waxaa ka jira ayuu yiri wargeysku dareen laga dheehan karo sida Maraykanku uu uga rajo dhigay kooxda Villa Somaliya, isagoo haatan u muuqda mid rabitaankiisu u janjeero dhinaca maamullada Somaliland iyo Puntland oo loo arko ayuu yiri wargeysku badiil uu Maraykanku isku hallayn karo oo ka wanaagsan kooxda uu gar-wadeenka ka Yahaya Xasan Gurguurte.
The Soufan Center oo ah hey’ad madax-bannaan oo uu aasaasay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray hey’adda sirdoonka Maraykanka ee loo yaqaan FBI, una qaabilsanaa la-dagallanka Al-Qaacida ayaa warbixin ay ka qortay sida ay jihaadiyiintu ugu gacan-sarreeyaan duullaanka Soomaaliya, taas oo la baahiyey khamiistii lasoo dhaafay ayaa lagu sheegay in marnaba aan la iska indho-tiri karin xaqiiqada tilmaamaysa suurto-galnimada la-wareegista jihaadiyiint ee magaalada Muqdisho, oo haatanba gudaheeda ay ay ku go’doonsan yihiin kooxda Villa Somaliya.
Machadka Quincy Institute for Responsible Statecraft oo fadhigiisu yahay Washington DC, ayaa isaga laftarkiisu warbixin uu laba cisho ka hor ka qoray duullaanka Maraykanka ee Soomaaliya ku sheegay in lagu guul-darraystay duqaymihii Maraykanku uu muddada badan ka waday Soomaaliya, kuwaas oo haba yaraatee aan waxba ka dhimin ayuu yiri awoodda jihaadiyiinta, beddelkeedana ay siiba xoogaysteen.
Quincy Institute for Responsible Statecraft oo daraasad ku sameeyey fuuq-baxa dhaqaale iyo millateri ee Maraykanku kala kulmay Soomaaliya ayaa ku baaqay in dibu-habayn lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibedda Maraykanka ee ku wajahan iska horimaadyada, isla markaana la joojiyo duullaankan gardarrada ah ee lagu qaaday Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in khasaare baaxad leh uu kasoo gaaray dowladda Maraykanka.