37 askari oo ka tirsan millateriga Itoobiya oo lagu laayay duleedka Addis Ababa.

Saturday July 26, 2025 - 16:15:43
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaadka Amxaarada ee Fano ayaa mar kale shaaciyey inay guul weyn kasoo hooyeen dagaal culus oo ka dhacay deggaan lagu magacaabo Minjar oo qiyaastii 60 KM u jira caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.
Yohannes Nigusu oo ka mid ah afhayeennada maleeshiyaadka Fano ayaa u sheegay Anchor Media in guuto ka tirsan jabhadda oo magaceeda la dhaho Assaminew Tsige ay dhegta dhiigga u dartay ugu yaraan 37 askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya.

Afhayeenku waxa uu sidoo kale ka dhawaajiyey in nolosha ay ku qabteen 13 askari oo kale. Inkastoo tirada dhaawacyada uusan shaacin. Sidoo kale Yoohaanis Negasuu khasaaraha dhankooda kasoo gaaray hawl-galkan oo sida ay wararku tibaaxayaan socday ku dhawaad labo saacadood.

Kooxda Fano waxay sidoo kale sheegteen in gebi ahaanba ay cagta mariyeen guuto dhan oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya oo ku sugnayd deggaankaasi. Waxaanay Anchor Media ay baahisay muuqaal cusub oo muujinaya ciidamada Fano oo nolosha ku qabatay askar maxaabiis ah iyo saanad ciidan.

Sidoo kale Jabhaddo Fano waxay shaaciyeen inay ciidanka dowladda ku jabiyeen dagaallo ka dhaca waqooyiga deggaanka Tekezze oo u dhaxeeyo deggaanka Lasta iyo koonfurta magaalada Gondar. Waxaana lasoo werinayaa in halkaasi lagu dilay ugu yaraan 4 askari oo ka tirsan ciidanka Itoobiya.

Maamulka Addis Ababa kama uusan hadal sheegashooyinka Fano, waxaanay dhacdooyinkani kusoo aadayaan xilli dagaallada ugu qaraar ay ka socdaan gobolka Amxaarada iyo weliba deggaanno ka tirsan gobolka Oromada, kuwaas oo Jabhada Fano bishan gudaheeda oo kaliya ay ku laysay boqollaal askari oo ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences