Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Shabeellaha hoose ayaa weerar culus la beegsaday kolonyo isugu jira ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka daba-dhilifka ah ee Gurguurte.
Kolonyadan ayaa lagu soo warramayaa in khasaare culus lagu gaarsiiyey weerar ka dhacay duleedka degmada Afgooye
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in hawl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 askari oo isugu jira ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Waxa kale oo wararku tibaaxayaan in hawl-galkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 7 askari oo iskugu jira ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in khasaaraha weerarkaasi uu intaas kasii badan karo, maadaama tirakoobka khasaaruhu uu horu-dhac yahay.
Geesta kale weerarkii shalay ay jihaadiyiinta Al-Shabaab kula wareegeen deggaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ku dhawaad 30 askari, kuwaas oo isugu jira ciidamada Uganda iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale weerarkaasi waxay jihaadiyiintu kula wareegeen saanad millateri, sida ka muuqato sawirrada dagaalkan shalay oo isla shalayba la baahiyey.