Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa hawl-gallo kala duwan ka fuliyey koonfurta Soomaaliya oo ay ka mid yihiin gobollada Baay, Gedo, Hiiraan iyo weliba soohdin-beenaada Soomaaliya iyo Kenya.
Dagaal culus ayaa lagu soo warramaya in habeennimadii xalay ay jihaadiyiintu ku mireen xerada maleeshiyaadka Laftagareen ee deggaanka Bur-jeed ee duleedka Baydhabo ee gobolka Baay.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay xalay dagaal culus ku ekeeyeen xerada maleeshiyaadak kaba-qaadka u ah shisheeyaha ee xerada WFP ee degmada Garbahaarey oo ka tirsan gobolka Gedo.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gal gobolka Hiiraan ayaa shalay hawl-gal qarax ah ka fuliyey gudaha magaalada Baladweyne.
Hawl-galkan oo bartilmaameedkiisu ahaa isbaaro gudaha magaalada, gaar ahaan dhinaca galbeed u taallay maleeshiyaadka Gurguurte, ayaa lagu dilay 1 askari.
Geesta kale iyo xad-beenaadka Somaliya iyo Kenya waxaa ka dhacay dagaal culus oo jihaadiyiintu ay ku qaadeen xerada malsheeiyaadka daba-dhilifka ah ee Oodow oo hoos-tagta deggaanka Kaambooni.
Sida ay xogtu tibaaxayso muddadii uu dagaalku socday waxaa uu dab ka kacay xeradaasi, waxaana gubtay oo gebi ahaanba shuf-beellay Teendhooyin sahayda askartu ay taallay.