Maleeshiyaadka amxaarada ee Fano ayaa mar kale shaaciyey guullo millateri oo ay sheegeen inay ka gaareen dagaallo qaraar oo maalmihii lasoo dhaafay ay isku fara saareen ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya ee dagaallada kaga jira gobolka amxaarada ee dalka Itoobiya.
Ilo deggaanka ah oo ay soo xigatay Ethio Focus ayaa ayaa sheegay in dagaallo culus ay ka dhaceen ugu yaraan 9 jiho oo ka tirsan deggaanka Gonder. Waxaanay maleeshiyaadka Fano ay shaaciyeen la wareegista gacan-ku-haynta magaalooyin dhowr ah.
Enfraz, Metema iyo Belesa ayaa ka mid ah magaalooyinka ay gacanta ku dhigtay jabhadda Fano, balse warar dambe oo soo baxay ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ay u suuro-gashay in dib ay ula wareegaan magaalada Enfraz.
Sidoo kale kooxaha mucaaradka Fano ayaa lagu soo warramayaa in ay beegsadeen xeryo ciidan oo dowladda ay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ka abaabuli jirtay dagaallada ka dhanka ah maleeshiyaadka amxaarada ee Fano.
Sida ay ku warantay jariirada Ethio Focus, dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Fano ku dhexmaray magaalo ku taal deggaanka Gonder oo la dhaho Metema. Waxaanay iska hor’imaadyada ugu xooggani ay ka dhaceen xaafadaha Shimele Gora iyo Tariku Gora.
Inta la xaqiijiyay labo askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Fano ayaa ku dhintay dagaalladaasi, waxaana ku dhaawacmay 3 kale. Halka dhinaca dowladdana dhegta dhiigga loo daray tobaneeyo askari, lagana furtay hub fara badan.
Dagaal socday muddo labo maalmood ah ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa deegaanka Gaynt ee koonfurta Gonder. Balse weli lama helin xogta khasaaraha dagaalkaasi. Halka deggaanada kala ah Alfa iyo Takussa ay iyagana ka dhaceen dagaallo xooggan.
Dawladda Itoobiya ayaa sheeganaysay, oo uu ku jiro taliyaha difaaca Berhanu Jula oo dhawaan ka soo muuqday baarlamaanka Itoobiya, in "in ka badan 90 boqolkiiba kooxaha hubaysan [ay ku jiraan Fano]," la tirtiray.
Dowlada Itoobiya oo dhawaan shaacisay in 90% ay tirtirtay kooxaha mucaaradka ayaan ilaa hadda ka hadlin sheegashooyinkan ugu dambeysay ee kasoo jabhadda Fano.