Somaliland: Cunaqabateyntii QM ka qaaddey Soomaaliya ayaa sababtey xasillooni-darro ballaaran.

Sunday July 20, 2025 - 11:48:02
Liibaan Jeexoow
Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreysay si dadban uga hadley markabkii hubka ahaa ee Puntland ku qabatey xeebaha Waqooyi-Bari ee Soomaaliya.
Wasiirka Dibedda maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Daahir oo qoraal ku baahiyey barta X ayaa ka dhawaajiyey in cunaqabteyntii hubka ee kuwa loogu yeero Qaramada Midoobay ay ka qaadeen Soomaaliya uu sababey xasilloonidarro ballaaran.

"Go’aankii Qaramada Midoobey cunaqabateynta hubka uga qaaddey dalka fashilmay ee Soomaaliya ayaa sababtey xasilloonidarro ballaaran” ayuu yiri

Geesta kale waxa uu "Qaramada Midoobey” ugu baaqey in ay dib u qiimeeyaan go’aankii hore ee ay Soomaaliya uga qaadeen cunaqabateynta hubka.

Qaramada Midoobey ayaa sannadkii 2023 Soomaaliya ka qaadey cunaqabateyntii hubka taas oo sababtey in hubab xad-dhaaf ahi soo galaan Somalia.

Hadalka SL ka soo yeeray waxa uu ku soo beegmayaa xilli saanad ballaaran oo Turkigu u wadey Soomaaliya ay dhexda u gashey Puntland.

Wadahadallo khadka taleefanka ah oo dhexmarey Villa Somalia iyo Garoowe ayaan la isku afgaran sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ahi.

Related Items

Update cookies preferences