Wararka ka imanaya dalka Maraykanka ayaa sheegaya khasaare culus oo ka dhashay qarax ka dhacay xarun lagu tababaro ciidamada booliska oo ku taal oo ku taal bariga Los Angeles.
Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Maraykanka ugu yaraan 3 sarkaal ayaa ku dhintay qaraxan oo shalay jimcihii ka dhacay xarunta Biscailuz Center Academy.
Sababta rasmiga ah ee qaraxa wali lama shaacin, hase yeeshee Sheriff Robert Luna oo ka tirsan laanta booliska ee gobolka Los Angeles (LASD) ayaa ku gaabsaday inay ahayd dhacdo gaar ah, isagoo geesta kalena diiday inuu ka jawaabo waydiimo ku saabsan sida ay wax u dhaceen.
Saddexda sarkaal ee ku dhintay qaraxa ayaa lagu tilmaamay inay ahaayeen khubaro heer sare oo waqti dheer ka tirsanayd laantaasi, mid walbaana uu u shaqaynayey muddo u dhaxaysa 19 ilaa 33 sano, sida uu sheegay Robert Luna.
Waaxda Sheriff-ka oo ah qaybta fulinta sharciga ee booliska ee degmada Los Angles ayaa saraakiishan lagu dilay qaraxa ku sheegtay inay ahaayeen baarayaal, isla markaana ay Ku-xigeenno ka ahaayeen degmada, kuwaas oo lagu kala magacaabi jiray Joshua Kelley-Eklund, William Osborn iyo Victor Lemus.
Saraakiisha sare ee waaxda sharci-fulinta oo warbixin siiyay CBS News ayaa sheegay in kooxda bamka ee LASD ay sheegeen in meel geerash ah khamiistii laga helay ugu yaraan hal bam gacmeed, kaas oo loo qaaday Xarunta Tababarka ee Biscailuz.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka naagta lagu magacaabo Pamela Bondi ayaa sheegtay in wakiilada federaalku ay ku sugnaayeen goobta, halkaas oo ay xustay in ay ka dhacday arrin argagax leh.
"Qalbigeeyga wuu murugsan yahay, fikirkeygana waxa uu la jiraa ragga iyo dumarka geesiyaasha ah ee ka tirsan laanta sheriff-ka xilligan adag,” ayay tiri Kathryn Barger, oo ah Guddoomiyaha Golaha Sare ee Gobolka Los Angeles.