Geeska Afrika waxa ku yaalla dadal dhowr ah oo mararka qaar maslaxaddoodu midowdo mararka qaarna u collooba sida ugu fog.
Waxa jirey xilli ay isku dan ahaayeen labadii hoggaamiye ee xilligoodii awoodda badnaa waa Mingiste iyo Siyaad Barre, markaas oo ay ku midoobeen in midiba ka kale garabsado si looga hortago jabhadaha mucaaridka ku ah. Is araggoodii ugu doorka roonaa waxa uu ka dhacey Magaalada Jabbuuti ee dalka Jabbuuti.
Berigaa Itoobiya waxa dagaal kula jirey jabhaddii Ereteriya iyo Tigreega halka Soomaaliya ay dagaal kula jireen jabhaddii Waqooyiga iyo kuwii Koonfurta. Sidaa si lamida waxa muddo dheer col ahaa dalalka Itoobiya iyo Ereteriya oo ka go’day Itoobiya 1991 balse aqoonsiga caalamiga ah heshay 1993.
Sannadkii 2018 waxa Itoobiya ka dhacey isbeddel siyaasadeed waxaana meesha ka baxay xukunkii Tigreega ee TPLF hoggaamin jirtey, waxaana yimid nin ka soo jeeda qoomiyadda Oromada oo la yiraa Abiy Axmed. Waxyaabihii ugu horreyntii uu ku dhaqaaqey waxa kamid ahaa soo afjaridda khilaafkii xuduudka ee Itoobiya iyo Eretriya – halkaasna waxa uu ku qaatey waxa loogu yeero Billadda Nabadda (Noble Peace Prize). Intaa kaddib waxa aad isugu soo dhawaadey hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya oo midba mar booqasho ku tagey caasimadaha Asmara iyo Addis Ababa.
Dagaalkii Tigreega 2020-2022
Sida aynu soo sheegnay heshiis siyaasadeed iyo xiriir cusub ayaa dhexmarey xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa taana waxa keenay in laga heshiiyey khilaafkii xuduudka ee muddada dheer socday. Waxa xusid mudan in dagaal qaraar oo u dhexeeya labada nidaam uu dhexmarey 1998 ilaa 2000 – dagaalkaas waxa ku dhintay dad kor u dhaafey 100,000.
Haddaba markii la xalliyey khilaafkii labada dal waxa bilaabmey xasarad cusub oo salka ku haysay doorasho ay rabeen maamulkii TPLF ee xukunka laga tuurey in ay ka qabtaan gobolkooda. Doorashadii waxa ay u qaadan waa ku noqotey Dowladdii Dhexe illeen iyadaa maamulkii haysa eh. Abaabul dagaal kaddib waxa qarxay dagaalkii ugu khasaaraha badnaa muddooyinkan kaas oo warbixinuhu sheegeen in ay ku nafwaayeen dad kor u dhaafaya 600,000 oo ruux. Fagtii hore Ciidanka Itoobiya oo kaashanaya saaxiibkooda cusub ee Afwerki ayaa qabsadey xarunta gobolka oo ay muddo ku sugnaayeen.
Lix bilood kaddib waxa dib looga soo baxey Maqalle/Mekelle taas oo sababtey in TPLF dib u soo laba kaclayso. Ugu dambayn waxa dagaalkii looga adkaadey TPLF isla markaana loo sameeyay nidaam kumeelgaar ah oo hoggaan ka noqday Getachew Reda.
Khilaafka cusub ee Abiy iyo Afwerki
Dagaal lagu riiqmay kaddib kuwa loogu yeero Beesha Caalamka iyo Mareykanka ayaa bilaabey heshiis nabadeed oo la dhex dhigayo TPLF iyo Dowladda Itoobiya. Taas waxa ka cago jiiday hoggaamiyaha Eretria isla markaana u arkayey heshiis lagu minjo xaabinayo. Afwerki wuxu isku dayey in uu heshiiska qayb ka noqdo sidii uu dagaalkaba qayb uga ahaa balse looma oggolaan. Taas ayaana sababtey in Asmara iyo Addis Ababa kala fogaadaan.
Ereteriya oo Mareykanku sannadkii 2010 saarey cunaqabateyn dhanka hubka ah waxa markii Abiy yimid laga qaadey xannibaaddii. Dabadeed Afwerki wuxuu hub badan ka soo iibsadey Ruushka sida ay daabacdey Warbaahinta DW ee Jarmalka laga leeyahay. Geesta kale Itoobiya ayaa markii ay billowday helidda marin-badeedka waxa ay diiradda saareysay helidda marinkii ay hore u lahayd ee Musawac oo Ereteriya ah ama xeebaha Gacanka Cadmeed kulaalaya ee Soomaalida. Tanina waxay Ereteriya ku abuurtay shaki kale.
Yaa ka faa’idey dagaalkii TPLF lagu qaadey?
Maaddaama dagaal laba geesoodle ah lagu qaadey TPLF waxa biyo kama dhibcaan ah in uu jirey cid ka faa’iddey dagaalka. Dowladda Itoobiya waxay ilaalinaysay madaxbannanida dalkeeda iyada oo kaga hortagaysay maamul cusub oo aan ka amarqaadan in uu ka hirgalo Gobolka Waqooyi. Halka malleeshiyada Axmaarada oo ku daabnayd Ciidanka dowladdu ay u socdeen aarsi qoomiyadeed maaddaama TPLF meesha ka tuurtay rajiimkii hore ee Axmaarada. Balse Ereteriya taas waa ay ka geddisnayd, sida lagu xusey warbixin aan hore u soo tibaaxnay oo ay diyaarisay warbaahinta DW ee Germany waxay sheegtay in Wershadihii ku yaalley gobolkaas iyo waxkasta oo faa’iido lahaan karey in Taliska Afwerki uu u qaatey Eritrea intii lagu gudo jirey dagaalka. Xusuusnow gobolka Tigreega 28sano ee ay xukunka hayeen waxa uu ahaa mid aad u dhismay horumar ahaan.
Maxaa la filayaa immika?
Xaaladda labada dal ayaa sii xumaanaysa marba marka ka dambeysa iyada oo warbxinaha caalamiga ah ee laga qorayaa ay tibaaxayaan in saacad kasta dagaal dhici karo. Ereteriya oo ilaa 10km gudaha ugu jirta xuduudka Itoobiya – tani waxay dhacdey xilligii heshiiska lagu ahaa dagaalka TPLF – ayaa doonaysa in ay sii waddo wiiqidda nidaamka Itoobiya. Dhanka kale Itoobiya waxay abaabuleysaa olole lagu kicinayo Canfarta deggan gudaha Eritrea kuwaas oo loo samaynayo jabhad cusub. Halka Afwerki uu taageero u muujinayo malleeshiyada Axmaarada ee Faano. Dagaal cusub oo labadan dal ay galaan ayaa la saadaalinayaa in uu wax ka beddelo xuduudka iyo madaxbannaanida dhuleed ee labada dal. Itoobiya waxay noqonkartaa Yuguslaafiyadii Afrika halka Ereteriya lafteedu u qaybsami karto koox muslim ah oo Canfartu hoggaaminayso iyo Masiixiyiinta hadda talada haya.