FAAH-FAAHIN: 32 askari Kenyan ah oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay gobolka Lamu.

Thursday July 17, 2025 - 08:20:32
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa hawl-gal khasaare badan geystay ka fuliyey gobolka Laamu.
Hawl-galkan ayaa ahaa kamiin loo dhigay kolonyo ciidamo Kenyaan ah, xilli ay ka baxeen magaalada Sankuuro kuna sii jeedeen magaalada Kiyuunga.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in hawl-galkaasi lagu dilay ugu yaraan 21 askari oo Kenyaan ah, 11 kalena lagu dhaawacay.

Mid ka mida baabuurtii ay ciidamada Kenya wateen oo noociisu ahaa Mitsubishi oo qarax xooggani uu haleelay ayaa gebi ahaanba basbeellay, halka waxyeello xooggani ay soo gaartay baabuur Cabdi Bile ah.

George Kubai oo ah guddoomiye ku-xigeenka dowladda Kenya ugu magacaaban gobolka Lamu ayaa xaqiijiyay dhacdadan, walow khasaaraha uu ka been-sheegay.

Guddoomiye-xigeenku waxa kale uu xusay in ciidamada Kolonyada ahaa lagu weeraray deggaan lagu magacaabo Badaa abaare oo qiyaastii 2 KM u jira magaalada Kiyuunga.

Taliska Millateriga Kenya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in talaadadii lasoo dhaafay la beegsaday ciidamadooda iyagoo rondo ah, isla markaana ay miino la kacday.

Maalin ka hor uun bay ahayd markii jihaadiyiintu ay weerar kan la mid ah oo ay ka fuliyeen waddada u dhexaysa Ijara iyo Bodhaay, oo hoostaga Gaarisa ay ku dileen 2 askari oo Kenyaan ah, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.

Gobolka Jubbada hoose, waxaa isna ka dhacay hawl-gal isugu jira qarax iyo weerar toos ah oo lala beegsaday maleeshiyaad ku socdaalayay inta u dhexaysa deggaanka Buulo-guduud iyo Baarsan-guuni ee duleedka Kismaayo.

Hawl-galkan oo ay fuliyeen jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa ilo-wareedyo la helay ay xaqiijinayaan in lagu dilay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Axmed-madoobe, 3 kalena lagu dhaawacay.

Weerarradan lagu naafeeyey ciidamada shisheeye iyo daba-dhilifyadooda ayaa kusoo aadaya xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab ay dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xustay in jihaadiyiinta Al-Shabaab oo gacanta ku haya dhul aad u fara badan oo dhaca bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay weerarro joogta ah ka fuliyaan gudaha soohdin-beenaadka Kenya.

Related Items

Update cookies preferences