Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha xerada guutada 7aad ee maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Afgooye.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in qaraxan lagu khaarajiyey Gaashaanlle dhexe Maxamuud Saleebaan oo ahaa abaanduulaha Ururka 54-aad ee guutada 7-aad ee ka howlgasha inta u dhaxayso Afgooye iyo Balli-doogle.
Waxa kale oo qaraxan waxaa ku naf-waayey taliyihii saadka ururka 54-aad ee guutada 7-aad ee maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya oo lagu mgacaabi jiray Xasan.
Sidoo kale qaraxan waxaa ku dhintay saddex askari oo ka tirsanayd ilaalada sarkaalkan la khaarajiyey. Halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen.
Sida ay xogtu sheegayso sarkaalkan ayaa sidoo kale la shaqayn jiray ciidamada Maraykanka ee ku sugan Balli-doogle, kaas oo u qori jiray jawaasiista.
Sarkaalkan birta la dhaafiyey ayaa geesta kalena la sheegay inuu dhibaato xooggan ku hayay shacabka ku dhaqan deggaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose.
Geesta kale iyo gobolka Banaadir, dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay weerar qorshaysan ka fuliyey magaalo-madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.
Weerarkan oo ahaa qarax ayay la beegsadeen bar-kantarool oo maleeshiyaadka Gurguurte u taallay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshid, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.
Gobolka Baay, waxaa isna habeennimadii xalay ka dhacay weerar ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku mireen laba saldhig boolis oo ku yaalla gudaha mgaalada Baydhabo.
Saldhigyadan oo maleeshiyaadka Laftagareen ay ku leeyihii xaafadda Buulo Jiimaa ayaa lagu dilay sarkaal magaciisa lagu sheegay Marshaale.
Xogt ayaa intaas ku daraysa in hawl-galladaas ay jihaadiyiinta Al-Shabaab kusoo furteen 1 qori oo AK47 ah iyo weliba booshkiisii.