Wasiirka Warfaafinta maamulka isku magacaabey Somaliland Axmed-Yaasiin Cali oo shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa ka hadlay ciidanka la sheegay in Federaalku u soo dirayo gobolka Sanaag qaybo kamid ah.
Axmed ayaa ka dhawaajiyey in Xasan Sheekh maankii ka tagey isla markaana uu samaynayo waxyaabo aan suurogal ahayn.
Waxa aanu intaa ku daray in taasi ay sabab u noqonayso in uu mulkigiisa waayo.
"Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa marka Ilaahay mulkiga kaa qaadayo horta maankuu kaa qaadaa” ayuu yiri
Wasiirka Warfaafinta ee maamulka ayaa dhanka kale baaq u direy kuwa loogu yeero Beesha Caalamka isaga oo tibaaxay in lacagihii Soomaaliya in lagu xasiliyo loogu talo galey uu Xasan Sheekh wax taa ka duwan u isticmaalayo.
Maamulka Somaliland oo sheegta in uu ka go’ay Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo isaga khilaaf kala dhexeeyo Xasan Sheekh ayaa si weyn uga horjeeda imaanshaha Ciidanka Federaalka ee gobolka Sanaag.
Geesta kale DF ayaa doonaysa in ay maamul ka madax bannaan SL iyo PL ka hirgeliso gobollada Sool iyo Sanaag. Kuwaas oo lagu midaynayo Beelaha kala dega Sool iyo Sanaag.
Si kastaba ha ahaatee shirka oo loogu talogaley in uu ka dhaco Sanaag ayaa loo raray dhanka Laascaanood sababo amni awgood.