Waxa isa soo taraya colaadda laga filayo in ay ka qaraxdo qaybo kamid ah Gobolka Sanaag taas oo DF rabto in ay ku qabato shir loogu gogol xaarayo samaynta maamul goboleedka SSC ee hadda aan dhammayska tirnayn.
Waxa shaley magaalada Laascaanood ka degay xubno Xamar ka yimid si ay u dhammaystiraan maamulka Khaatumo ee dhawaan samaysmay.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Cawl oo ku sugan Bariga gobolka Sanaag isla markaana taageersan DF iyo in maamulka SSC Khaatumo la mideeyo ayaa ku sugan deegaanka laysku hayo.
Puntland ayaa ciidamo soo dhoobtay magaalooyinka Xingalool iyo Dhahar oo ka tirsan Sanaag.
Dhanka kale Puntland ayaa Federaalka ku eedaysay in ay qalalaase ka waddo gobolka Sanaag.
Tan ayaa imanaysa xilli dhawaan Wasiirka Gudaha ee Federaalku Cali Cosh uu magacaabey guddi ka shaqaynaysa dhammaystirka maamul goboleedka SSC-Khaatumo.
Shirka Federaalku ku wadaan in uu ka dhaco Ceelbuh ayaa isha lagu hayaa sidii uu u hirgeli lahaa.