SAWIRRO: Daawo sidii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay ula wareegeen degmada Moqokori. [WARBIXIN]

Monday July 07, 2025 - 13:03:11
Liibaan Jeexoow
Waxaa faahfaahino dheeri ah ay kasoo baxaysaa weerarka culus ee saaka ay jihaadiyiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyada maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
Weerarkan oo cag-marin ahaa ayaa lagu daah-furay hawl-gal naf-hur ah oo sida la sheegay uu fuliyey mid ka mida guutada naftood-hurayaasha ee xarakada Al-Shabaab.

Naftii-hurahan ayay wararku tibaaxayaan in uu dhexda u galay saldhiggii ugu weynaa ee maleeshiyaadku ay ku lahaayeen afaafka hore ee degmada, halkaas oo sida la sheegay uu shir uga socday maleeshyiaadka.

Dagaallo kooban kadib, jihaadiyiinta ayaa cagta mariyey dhamaan difaacyadii maleeshiyaadka, waxayna si buuxda ula wareegeen saldhigyadii maleeshiyaadka iyo guud ahaan degmada Moqokori.

Sida lagu xaqiijiyey bayaanka kasoo baxay taliska Al-Shabaab maleeshiyaadka ashahaado la dirirka ah ayaa si habqan ah uga firxaday furinta dagaalka, waxayna u baxsadeen dhulka baadiyaha ah ee dhanka degmada Maxaas.

Khasaaraha horu-dhaca ah ee lagu sheegay bayaanka ayaa tibaaxaya dhimashada ugu yaraan 47 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte iyo dhimasahda ugu yaraan 65 askari.

Khasaaraha maleeshiyaadka ayaa kasii badan kara inta haatan lasoo gudbiyey, maadaama maydad hor leh laga helayo dhulka duurka ah ee haraadigii maleeshiyaadku ay u firxadeen.

Saraakiisha ku le’atay dagaalkan maanta waxaa ka mida Mowliid Dhicisow Cabdi (Banjar), oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa hor-joogayaasha maleeshiyaadka, una qaabilsanaa dhinaca lojistikada.

Cabdi Muumin Xuurshow (Cabdi Billaawe) ayaa isna ka mid ahaa saraakiishii lagu feentay dagaalkan, waxaanu caan ka ahaa maleeshiyaadka dhexdooda iyo sidoo kale sarkaal lagu magacaabi jiray Khaliif Cali Nuur (Dhagool).

Saraakiisha ku geeriyootay dagaalkan intan waa ay ka badan yihiin, waxaanan xogtooda soo gudbin doonnaa marka aanu magacyadooda soo xaqiijino insha Allaah.

Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub, saanad iyo weliba maxaabiis nool nool laga qabtay maleeshiyaadkii lagu jebiyay dagaalka Moqokori.

Al-Kataa’ib ayaa goor dhawayd sidoo kale baahisay sawirro horu-dhac ah oo muujinaya sidii jihaadiyiintu aya saaka ula wareegeen degmadaasi.

Magaalada Moqokori xaalkeedu haatan waa deggen yahay, waxaana faras-magaallaha ka babanaaya raayada tawxiidka, waxaana ku sugan jihaadiyiinta Al-Shabaab, sida sawirrada aad ka dheehan kartaan.

Si aad u hesho warar iyo warbixinno joogto ah kusoo biir baraha SOMALIMEMO:

Related Items

Update cookies preferences