Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo k amid ah xubnaha mucaaradka kooxda Villa Somaliya ayaa sheegay in maamulka Xasan Gurguurte uu bilaabay inay afduubto dadka ku dhaqan Muqdisho, islamarkaana ay dilaan qofkii diida inuu isku diiwaan galiyo doorashooyinka.
Wuxuu sheegay siyaasigani inuu intaasi oo dhan Xasan Gurguurte u sameynayo ay tahay inuu boobo doorashooyinka ridada ee soo socda.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in qorshada doorasho qof iyo cod danta uu ka leeyahay Gurguurte ay tahay isagoo ka cararaya inay mar kale soo doortaan Baarlamaanka federaalka.
Khilaafka u dhaxeeya Xasan Gurguurte iyo mucaaradkiisa ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay sii xoogeysanayay, iyadoona khilaafkaan uu salka ku hayo arrimaha doorashooyinka oo kooxahani isku hayaan.