Maleeshiyaadka Gurguurte oo ku dagaallamay gudaha Muqdisho.

Monday July 07, 2025 - 08:22:20
Liibaan Jeexoow
Iska hor'imaad u dhaxeeyay maleeshiyaad ka wada tirsan kooxda Villa Somaliya, ayaa shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, taasi oo uu khasaare kasoo gaaray dad shacab ah.
Israsaaseynta ayaa si gaar ah waxay maleeshiyaadkan ugu dhexmartay isgoyska Ex-control ee magaalada Muqdisho, waxaana uu iska hor’imaadkan yimid ka dib markii ay jidkaasi xirteen maleeshiyo gadoodsan oo ka tirsanaa booliska.

Isku dhacan ciidan ee dhexmaray maleeshiyada gadoodsan iyo kuwa kale oo isla Riddada ka tirsan ayaa sababay khasaare soo gaaray dad shacab ah, hal qof oo shacab ah ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac kasoo gaaray rassaasta ay is-dhaafsanayeen maleeshiyadkani.

Wararka qaar ayaa khasaaraha intaas ka badinaya wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin, dad goobjoogeyaal ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in muddo uu hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka, kadib markii ay halkaasi la wareegeen maleeshiyada gadoodsan.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay in maleeshiyada koxda Villa Somaliya ee uu isku hor’imaadku dhexmaray ay rassaasta hoos ugu dhigayeen dadka shacabka ah ee ay ku dul-dagaallamayeen, waxay na taa keentay in lagu kala cararo isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Iska hor’imaadyada hubeysan ee dhexmara maleeshiyaadka Gurguurte ayaa ku badan deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxdaasi, waxaana badi iska hor’imaadyadaasi dhibanne u ah dadka shacabka ah ee lagu dul-diiro.

Related Items

Update cookies preferences