Khilaaf weji cusub leh ayaa ka dhax dilaacay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka dabadhilifka ah ee lamagac baxay Hirshabelle kaasi oo salka ku haya arrimaha siyaasadda.
Cali Balcad oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda DF-ka ayaa war uu soo saaray wuxuu eedayn kulul ugu jeediyay Cali Guudlaawe oo ah madaxweynaha maamulka fadhigiisu yahay magaalada Jowhar.
Mas'uulkan katirsan DF-ka ayaa ku eedeeyay Cali Guudlaawe in uu khilaafay heshiis kala dhaxeeyay Xasan Gurguurte ee dhigayay in aan laqaban karin wax doorasho dadban ah.
Wuxuu sheegay in doorasho ka dhacday degmada Balcad ay banaanka soo dhigtay in madaxweynaha maamulka Ashahaadda ladirirka Hirshabelle uu ibo fur usameeyay sidii uu uga hoos bixi lahaa nidaamka Villa Somalia.
Warkan kasoo baxay Cali Balcad ayaa larumeysanyahay in uu yahay mid uu la ogyahay Xasan Gurguurte oo ay si aad ah isugu dhowyihiin, bil ka hor ayay hoggaamiyaasha dabadhilifyada maamul goboleedyada iyo DF-ka isku raaceen in ay sameystaan muddo kororsi illaa laga gaarayo horraanta 2026-ka kolkaas oo ay qabsan doonaan doorashooyin qof iyo cod ah sida ay hadalka udhigeen.
Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Cali Guudlaawe oo ku aaddan tallaabadan ka dhanka ah Xasan Gurguurte ee uu qaaday iyo eedaynta uga timid wasiiru dowllaha wasaarradda arrimaha dibadda.