Dagaallo in ka badan 4 jeer lagu jebiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa saaka ka dhacay duleedka degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in dhegta dhiigga ay u dareen maleeshiyaadka daba-dhilifka ah ee uu ku adeegto Xasan Gurguurte.
Ilo-wareedyo ayaa khasaaraha horu-dhaca ah ku sheegay dhimashada ugu yaraan 11 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, kuwaas oo sideed ka mid ah maydadkooda looga cararay goobta dagaalka.
Magacyada qaar ka mida askartaasi ku qur-baxay dagaalladan saaka ayaa waxaa ka mida Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle iyo Aadan Ibraahim Fidhig (Il-bir).
Sidoo kale xogtu waxay tibaaxaysaa in dagaalladan lagu dhaawacay ugu yaraan 20 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkan saaka lagu feentay agagaarka Moqokori.
Xaalada goobihii dagaalladu ay ka dhaceen ayay xogtu sheegaysaa in ay deggen yihiin, waxaana gacanta ku haya dagaalyahannada Al-Shabaab, xilli maleeshiyaadkii jabayna ay firxadkii ku galeen gudaha degmada Moqokori.