Dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay ayaa xalay hawl-gal qarax ah ka fuliyey gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka la baxay Koonfur Galbeed.
Qaraxan bartilmaameedkiisu ahaa maleeshiyaad ka tirsan kuwa Laftagareen ayaa geystay dhaawaca ugu yaraan 5 askari, kuwaas oo 3 ka mid ah dhaawacyadoodu ay garaab yihiin.
Mid ka mida maleeshiyaadkii qaraxaasi ku dhaawacmay oo aanu magaciisa helnay ayaa lagu sheegay Shiingiyo Maxamed Wardi.
Geesta kale, faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa khasaaraha ka dhasahay hawl-gal qarax ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhaxeysa degmada Ceel-qaalow iyo deggaanka Ceel-goolij ee gobolka Mandheera oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Qaraxan ayaa haleelay gaari Mitsubishi ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya, kaas oo gebi ahaanba basbeellay, waxaana hawl-galkaasi ku naf-waayay ugu yaraan 7 askari oo Kenyaan ah iyo dhaawaca 13 kale.