Wararka ka imanaya dhulka ku hoos-jira gumaysiga Kenya ayaa sheegaya dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada askarta Kenya ee deggaanka Hareeri Suuki ee hoos-taga degmada Ceel-qaalow ee gobolka Mandheera.
Sidoo kale waxaa jira weerar qarax ah oo jihaadiyiintu la beegsadeen kolonyo ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay inta u dhexaysa degmada Ceel-qaalow iyo deggaanka Ceel-goolij.
Waxaa gebi haanba basbeellay gaari Mitsubishi oo uu qaraxu haleelay, kaas oo ay la socdeen ciidamo Kenyaan ah, oo sida la xaqiijiyey dhammaantood uu qaraxaasi saameeyey, kuwaas oo noqday wax dhintay iyo wax dhaawacmay.
Geesta kale dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weerar culus ku beegsaday xerada askarta Kenya ee magaalada Maangaay ee gobolka Lamu oo isna ka mida deggaannada ku hoos-jira gumaysiga Kenya.
Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in uu jiro khasaare kala duwan oo dagaalkan lagu gaarsiiyey ciidamada Kenya iyo weliba burbur xooggan oo jihaadiyiintu u geysteen shirkadda isgaarsiinta Kenya ee la yiraahdo Safaricom.
Dhinaca kale, jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa habeennimadii xalay qaaday dagaal culus oo ay ku mireen askarta Xabashida Itoobiya ee ku sugan xerada ay ka deggen yihiin degmada Diinsoor.
Weerarradan ayaa imanaya xilli jihaadiyiinta Al-Shabaab ay isku fidiyeen dhul aad u ballaaran oo dhaca bariga Afrika, kadib markii ay dardar xooggan geliyeen guluf-dagaalleed aad u caabboon oo bilihii u dambeeyey ay kusoo afjareen maleeshiyaad fara badan oo Gurguurte uu ku adeegan jiray.