Is-maamulka gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sare u qaaday cadaadisyada ku salaysan nacaybshiyaha diimeed ee ka dhanka ah dadka muslimiinta ah ee ku nool deggaannadaasi.
Mas’uuliyiinta waxbarashada ee gobolka Tigrey ayaa lagu eedeeyay cadaadis iyo takoor-diimeed oo lagula kacay arday Muslimiin ah, gaar ahaan gabdho xijaaban, kuwaas oo laga hor istaagay inay u fariistaan imtixaanka fasalka 12-aad.
Guddi matasha bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan gobolka Tigray ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta waxbarashada ee magaalada Axum in arday Muslimaat ah oo xijaabana ay ka hor-joogsadeen in ay galaan imtixaanka.
Gabdho muslimaat ah oo tiradoodu gaarayso 14 arday ayay guddidu sheegtay in laga hor-joogsaday ka qayb-galka imtixaanka fasalka 12-aad ee deggaanka Aksum, kadib markii xayiraado socday muddo bilooyin ah la saaray xirashada xijaabka.
Xaaji Muxammad Kahsay oo ah Xoghayaha Guud ee Guddida muslimiinta ayaa u sheegay wargeyska maxalliga ah ee Addis Standard in in ardaydaasi aan loo diiwaan-gelin sida ardayda kale, loona sheegay in aanay geli karin fasallada haddii aanay dhigin xijaabkooda.
Wuxuu sidoo kale sheegay in markii ardaydu ay ka gudbeen caqabaddii diiwaangelinta, ay mar kale wajaheen carqalad hor leh, kadib markii loosoo saari waayay kaarka ogolaansha imtixaanka, lagana hor-joogsaday inay galaan xarunta dugsiga.
Ardayda aan muslimiinta ahayn ayaa la siiyaa taageero ku saabsan u diyaar-garowga imtixaanka, halka ardayda muslimiinta ah laga reebo ka qayb-qaadashada taageeradaasi, sida uu xajiiyey Xoghayaha Guud ee Guddida muslimiinta ee gobolka Tigrey.
Takoorkan sii laba-laxaadsaday ayuu xoghayuhu sheegay in uu socday in ka badan todoba bilood, muddadaas oo si ula kac ah gabdhaha muslimaadka ah loo saaray xannibaado dhinaca waxbarashada ah, taas oo uu ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah xuquuqdooda.
Tacaddiyadan lagu beegsanayo muslimiinta, gaar ahaan ardayda oo muddo dheer soo taxnaa, ayaa waayadan dambe aad u soo xoogaystay xilli guud ahaan ardayda ku sugan gobolka Tigray ay imtaxaanka heer qaran ee fasalka 12-aad u fariisteen isniintii lasoo dhaafay ee usbuucan lagu jiro.