Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saaka ay si nabad-gelyo ah ula wareegeen deggaannada kala ah Gumarre iyo Xagarre oo hoos-taga degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
La-wareegtistan ayaa timi kadib markii ay deggaannadaasi isaga carareen maleeshiyaadka Gurguurte oo ka war-helay gulufka xooggan ee jihaadiyiinta.
Sawirrada deggaanka Gumarre iyo sidii ay jihaadiyiintu ula wareegeen ayaa lasoo bandhigay, kaas oo qiyaas ahaan 9 KM u jira degmada Moqokori, halka deggaanka Xagarre uu isna degmadaasi u jiro 12 KM oo kaliya.
Guud ahaan maleeshiyaadkii uu ku adeegan jiray Gurguurte ee ku sugnaa gobolka Hiiraan ayaa haatan miciin biday inay ka firxadaan furimaha dagaalka, kadib markii ay si xun ugu jabeen dagaalladii ka dhacay deggaannadaasi.
Xogaha kasoo baxaya deggaannadaasi ayaa sheegaya in xoogag aad u caabboon oo ka tirsan jihaadiyiinta Al-Shabaab ay marba marka ka dambaysa isku sii fidinayaan dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Hiiraan.