Maleeshiyaadka Laftagareen oo lagu wiiqay weerarro ka dhacay Baay iyo Bakool.

Wednesday July 02, 2025 - 07:43:17
Liibaan Jeexoow
Jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay ayaa weerar isugu jira duqayn iyo dagaal toos ah ku qaaday xerada maleeshiyaadka Laftagareen ee deggaanka Baru-jeed ee duleedka Baydhabo.
Sidoo kale xoogagga Al-Shabaab waxay shalay fuliyeen hawl-gal ay ku bartilmaameedsadeen isbaarada maleeshiyaadka maamulka la baxay Koonfur Galbeed ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkii ku sugnaa isbaarada, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Cilmiile.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in dagaalyahannada Al-Shabaab ay hawlgalkaasi kusoo furteen qori noociisu yahay AK47 iyo weliba booshkiisii.


Related Items

Update cookies preferences