Somaliland: Waxa baaba'ay 220 beerood dabkuna wali wuu socdaa. [SAWIRRO]

Tuesday July 01, 2025 - 13:23:09
Liibaan Jeexoow
Galinkii dambe ee shaley waxa dab ka kacay Buurta Daalo ee Gobolka Sanaag dabkaas oo dhaliyey khasaare baahsan.
Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa sheegay in ilaa haatan ay gubteen 220 beerood dabkuna uu wali sii socdo.

Ciidanka Dabdemiska maamulka Somaliland oo isku dayay in ay bakhtiiyaan dabkaas ayaan wali ku guuleysan waxa se ay sheegeen in dabka noocan oo kale ah aan lagu bakhtiin karin baabuur ee ay u baahan yihiin diyaaradaha dabka bakhtiiya.

Waxa sidoo kale Wasiirka Beeraha maamulkaasi uu sheegay in dabkani yahay kii ugu qasaaraha badnaa inta la xasuusto.

Mar sii horreysay oo xalay ahayd waxa dhankiisa sidaas oo kale uga hadlay Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay in ay xakamayn kari waayeen dabka.

Qaybtan hoose waxaanu idinkula sawirrada markii uu dabku ka kacay buurta iyo weliba muuqaalladii ugu dambeeyey oo iyaguna muujinaya meelihii uu dabku qabsaday oo basbeelay.


Related Items

Update cookies preferences