Wararka ka imanaya deggaannada ay xoogga ku haysato Kenya ayaa sheegaya dagaal culus oo xoogagga Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Kenya ee deggaanka Guba oo hoos-taga magaalada Baanasa ee gobolka Mandheera.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 11 askari oo Kenyaan ah, kuwaasoo afar ka mid ah dhaawacoodu uu garaab yahay.
Sidoo waxay xogtu tibaaxaysaa in ay jiraan askar Kenyaan ah oo dhegta dhiigga loo daray, kuwaas oo weli aanaan ka helin macluumo faahfaahsan.
Geesta kale, waxaa habeennimadii xalay lasoo bandhigay sawirrada deggaanka Ceel-qooxle ee bariga gobolka Hiiraan oo Axaddii lasoo dhaafay ay dagaal la'aan kula wareegeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Waxaanu qaybta hoose ee boggan idinkula wadaagaynaa sawirradaasi oo muujinaya jihaadiyiinta Al-Shabaab oo ku sugan gudaha deggaankaasi, kana taagay raayada Tawxiidka.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: