FAAH-FAAHIN: Hawl-gallo khasaare culus geystay oo ka kala dhacay duleeddada Muqdisho, Baydhabo iyo Afgooye.

Monday June 30, 2025 - 07:27:26
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya weerar madaafiic ah oo jihaadiyiinta Al-Shabaab ku garaaceen xerada Bur-jeed ee duleedka magaalada Baydhabo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in weerarkaasi lagu dhaawacay ugu yaraan 14 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Laftagareen.

Gobolka Shabeellaha hoose, waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo jihaadiyiintu ku beegsadeen kolonyo ciidamo Afrikaan ah oo ku socdaalayay duleedka degmada Afgooye.

Xogtu waxay sheegaysaa in hawl-galkaasi lagu khaarajiyey ugu yaraan 1 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda, kaas oo ahaa sarkaal miine-baare ah.

Sidoo kale weerarkan waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari oo ka tirsan isla ciidamada Afrikaanta, gaar ahaan kuwa Uganda.

Geesta kale iyo gobolka Banaadir, waxaa ka dhacay maalinimadii shalay hawl-gal qarax ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ka fuliyeen duleedka caasimadda Muqdisho.

Qaraxan oo lagu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay lacdeen maleeshiyaadka jawaasiista Nisa ayaa lagu dhaawacay ugu yaraan 3 askari.

Related Items

Update cookies preferences