Shirkii ka qabsoomi lahaa Qadar ee dhaqaallaha loogu raadinayay AUSSOM oo fashilmay. [WARBIXIN]

Saturday June 28, 2025 - 15:02:29
Liibaan Jeexoow
Duullaanka shaatiga cusub loosoo xiray ee isbahaysiga AUSSOM ayaa lagu soo warramayaa in haatan uu wajahaayo marxalad adag oo sababi karta in gebi ahaanba uu burburo, sida uu daabacay Wargeyska The East African oo ka mid ah warbaahinta ugu miisaanka culus dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, iyo Rwanda.
Warbixin uu wargeysku ka qoray arrintan ayuu ku sheegay in bishan soo socota ee maalmaha koobani ka harsan yihiin ee Luulyo ay noqon doonto, midda uu ku kala caddaan doono mustaqbalka ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha AUSSOM, maadaama wajiga labaad ee howshiisu bilaabanayso, xilli hubanti la’aan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba ay hareeyeen.

Wargeysku wuxuu sheegay in 1-da Luulyo, howlgalka AUSSOM uu si buuxda u guda galaayo fulinta waajibaadkiisa, inkastoo weli aan la ogayn ayuu yiri halka laga heli doono Malaayiinta Doolar ee looga baahan yahay hawlgalka iyo bixinta gunnooyinka ciidamada.

Dalalkii maal-gelin jiray calooshood-u-shaqaystayaasha midowga Afrika sida Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ingiriiska ayay warbixintu xustay in ay joojiyeen dhaqaalihii ay bixin jireen, halka geesta kalena ilaa haatan aan lahayn ayay tiri warbixintu maal-gashadayaal cusub oo hawshan u kaca isla markaana buuxiya kaalintan bannaan.

Warbixintu waxay carabowday in muddadii lixda bilood ahayd ee Midowga Afrika loo siiyey in uu ku helo maal-gelinta howlgalkan, ay ku eg tahay Isniintan soo socota, balse mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika waxay sheegeen ayuu yiri wargeysku in tuugsigu uu socdo oo weli aanay ka rajo-dhigin.

The EastAfrican wuxuu ogaaday in hoggaanka AUSSOM ay weli quudaraynayaan dalalkii ay uga barteen lacagaha faraha badan oo haddii aanay lasoo gaarin ayuu yiri kaalmadii ay bixin jireen uu hawl-galkani noqon doono mid ku burbura lix bilood gudohood.

Waxaa sii gabaabsiyay bishii hore fursadihii maal-gelineed ee ciidamada Afrikaaanta, kadib markii waxa loogu yeero Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoowday ay joojiyeen Qaraarka 2719, isla markaana ay fashilmeen wadahadallo ku saabsan sidii qaraarkaasi loogu fulin lahaa maalgelinta AUSSOM, Mareykankuna uu ku hanjabay inuu codka diidmada qayaxan ee (veto) uu isticmaali doono haddii qaraarkaasi lagu dabaqo dalka Soomaaliya.

Miisaaniyadda howlgalka AUSSOM ayuu wargeysku xusay inay tahay $832.5 Milyan oo dollar muddo shan sano ah una dhiganta sannadkiiba $ 166.5 Milyan oo doollar, taas oo qaraarkan la daadafeeyey ee 2719 uu dhigaayay in 75% ay bixiso Qaramada Midoobay.

Wargeysku waxa kale oo uu ka sanqariyey in Midowga Afrika uu ku hungoobay xiriirro uu la sameeyey waddamada daneeya Soomaaliya sida Qadar, Imaaraadka Carabta iyo Sacuudiga oo xeebta Soomaaliya u arka ayuu yiri inay qayb ka tahay istaraatiijiyadooda amni, kuwaas oo iyaguna dhammaantood muujiyey ayuu yiri in haba yaraatee aanay rabin inay taageeraan hawl-galkan.

Sidoo kale dalka Turkiga ayay warbixintu ka dhawaajisay in isagoo dano istaraatiijiyadeed iyo dhaqaaleba ku leh Soomaaliya, gacantana ku haya dekedda weyn ee Muqdisho, garoonka diyaaradaha, xeebaha, iyo weliba sahaminta shidaalka, uu isna ka gaabsaday taageero dhaqaale oo la weydiistay oo ay u soo bandhigeen midowga Afrika, sida uu daboolka ka qaaday wargeyska The EastAfrican.

Iyadoo ay soo dhawaatay ayay tiri warbixintu bishii Luulyo, ayaa hadana kulamadii ugu dambeeyey ee dhexmaray ku-simaha hoggaamiyaha AUSSOM Adebayo Kareem iyo safiirrada UK iyo Turkiga ee Muqdisho aysan waxba ka beddelin xaaladda dhaqaale ee ragaadisay howlgalka AUSSOM.

Wargeysku waxa uu sidoo kale sheegay in uu fashilmay shir Midowga Afrika uu ku rajo-weynaa oo la rabay in lagu qabto caasimadda dalka Qadar ee Dooxa, kaas oo qorshihiisu ahaa inuu qabsoomo dhammaadkii Abriil, balse uu dib ugu dhacay bishii May, kadibna uu mar labaad hadana suuroobi waayay iyadoo dib loogu riixay bishan gebogebada sii maraysa ee Juun oo la filayay in ay noqoto fursaddii ugu dambeysay ee lagu xallin lahaa dhaqaale-yaraanta AUSSOM, kaas oo isna laga rajo-dhigay ayay tiri warbixintu kadib markii uu guul-darraystay tiraba saddex jeer.

The EastAfrican oo sii lafa-guraaya sababta uu u fashilmay shirkan u dambeeyey ayaa sheegay, in Qadar ay xulafo la tahay Mareykanka, sidaas darteedna ay uga caga-jiidayso marti-gelinta shirkan, maadaama ay cadaadis kala kulmeyso in ay qaaddo mas’uuliyadda maalgelinta howlgalka, kaddib markii reer-galbeedku ay dib uga gurteen.

Warbixintu waxay xaqiijisay in muddo ku siman Lix Bilood aanay wax mushahar ah qaadan ciidamada calooshood-u-shaqaystayaasha Afrikaanta AUSSOM, isla markaana lagu yeeshay dayn gaaraysa $83.25 Milyan oo Doollar, sida ay wargeyska u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika.

Falanqeeyayaal amni oo wargeysku soo xigtay ayaa sheegay in ka saarista miiska wadahadallada ee qaraarka 2719 iyo dedaalladii fashilmay ee la doonayay in lagu qanciyo dalalka saliidda hodanka ku ah ee khaliijka ay sababeen in hawl-galka isbahaysiga AUSSOM uu sii dhumbado mugdi hor leh iyo hubanti la’aan baahsan.

Warbixintan oo wargeysku baahiyey jimcihii shalay ayaa muujinaysa in gebi ahaanba uu dhicisoobay duullaanka gardarrada ah ee isbahaysiga AUSSOM, xilli Jihaadiyiintuna ay dardar xooggan geliyeen hawl-galladooda, isla markaana ay Raayada Tawxiidka ka taageen dhul aad u ballaaran, kaabigana ku hayaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.



Related Items

Update cookies preferences