Cabdiraxmaan-Cirro oo la rejaynayo in uu safar ugu baxo dalka Qadar.

Saturday June 28, 2025 - 08:43:53
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa la sheegayaa in uu safar ugu bixi doono dalka Qadar ee Khaliijka Carabta.
Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in dalka Qadar dalabku dhankooda ka yimi taas oo noqonaysa mid ka duwan jidkii Qadar hore ugula tacaamuli jirtay Soomaaliya.

Dalka Qadar ayaa taageero laxaadleh siin jirey Xukuumaddii Farmaajo taas oo ay xiriir dhow lahaayeen Fahad Yaasiin oo lagu sheegi jirey "Mulkiilaha Xukuumadda” ee xilligii Farmaajo.

Lama oga waxa ay ka wada hadli doonaan Somaliland iyo Qadar balse tani haddii ay dhab noqoto waxay noqonaysaa Somaliland in ay heshay saaxiib kale oo caalami ah kalana qayb qaadan doona aqoonsi raadinta maamulkaas.

Intii uu Cirro noqday madaxweynaha si ka beddelan madaxdii ka horreysay wuxu noqday mas’uulkii ugu galaangalka badnaa maamulkaas.

Waxa uu safar ugu baxay dibedda ah 4jeer oo hore, iyada oo safarradaasi noqdeen kuwo maqaamka Somaliland kor u qaaday.

Related Items

Update cookies preferences