FAAH-FAAHIN: Khasaaraha weerar saaka lagu soo afjaray saldhigyo ciidan oo ku yaalla deggaan hoostaga Baydhabo + SAWIRRO.

Monday June 23, 2025 - 12:52:56
Liibaan Jeexoow
Waxaa faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxday weerarkii saaka jihaadiyiinta Al-Shabaab ay cagta ku mariyeen labo xero oo maleeshiyaadka Laftagareen ku lahaayeen deggaanka Bur-jeed ee hoos-taga magaalada Baydhabo.
Weerarkan oo muddadii uu socday ayaa sidoo kale waxaa dhacay weerar kale oo dhabbo-gal ah oo loo dhigay kolonyo maleeshiyaad gurmad ahaa oo kasoo baxay magaalada Baydhabo.

Kolonyadii gurmadka ahayd ayaa lagu soo warramayaa in iyagana lagu dhuftay dhirbaaxo kulul oo khasaare xooggan u geysatay, kuwaasoo oodda jabiyey, haraadigoodiina dib ugu firxadeen magaalada Baydhabo.

Ilo-wareedyo hor leh oo aanu helnay ayaa tibaaxaya in dhimashada maleeshiyaadkaasi ay gaarayso ugu yaraan 12 askari, iyo 28 kale oo dhaawaca.

Waxa kale oo jira maxaabiis nool nool oo dagaalyahannada Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen iyo sidoo kale saanad ciidan oo kala duwan iyo agabyo kale.

Maktabka warfaafinta ee xarkada Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahiyey sawirro horu-dhac ah oo muujinaya weerarkaasi cag-marinta ahaa ee Bur-jeed. Waxaana kasoo muuqanaya mid ka mida maxaabiista gacanta lagu dhigay.

Sidoo kale waxaanu qaybta hoose idinkula wadaagaynaa sawirrada qaar ka mida maleeshiyaadkii dhegta dhiigga loo daray ee saaka lagu feentay Bur-jeed iyo weliba kuwii shalay lagu xasuuqay bariga Hiiraan ee Ceel-qooxle oo dhimashada iyo dhaawacu ay ku dhow dahay 80 askari.

 

Related Items

Update cookies preferences