Wararka ka imanaya gobolka Baay ayaa sheegaya weerarro cag-marin ah oo saaka dagaalyahannada Al-Shabaab ay kula jarmaadeen labo xero oo maleeshiyaadka Laftagareen ay kaga sugnaayeen deggaanka Bari-ujeed oo hoostaga magaalada Baydhabo.
Xogta ayaa tibaaxaysa in muddadii uu socday weerarkaasi ay kolonyo gurmad ah kasoo baxeen magaalada Baydhabo, kuwaas oo iyagana ay jihaadiyiintu jidka u galeen kuna dhufteen dhirbaaxo kulul iyagoo firxad ah oo khasaare xooggani gaarayna ay dib ugu laabtay magaalada Baydhabo.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa sheegaya khasaaraha horu-dhaca ah ee maleeshiyaadkaasi oo ay ka mid yihiin dhimashada 8 askari, tiro maxaabiis ah oo gacanta lagu dhigay iyo sidoo kale saanad millateri oo jihaadiyiintu ay dagaalkaasi kula wareegeen.
La soco wixii soo kordha Insha Allaah………..