Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dibedda ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa lagu cambaareeyay duqaymihii Mareykanku ku qaaday Iiraan.
Sucuudiga ayaa sheegay in uu walaac qoto dheer ka qabo xaaladda cusub ee ka dhex qaraxday Mareykanka iyo Iiraan.
"Waxaanu aad uga walaacsannahay dhacdooyinka cusub taas oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan lagu beegsadey xarumaheeda nukliyeerka”
Bayaanka oo maanta oo Axad ah ka soo baxay Wasaaradda Dibedda Sucuudiga waxa lagu xusay in Boqortooyadu aad uga horjeeddo faragalinta madaxbannaanida dhuleed ee Iiraan.
Dhanka kale waxa Sucuudigu ugu baaqay kuwa loogu yeero Beesha Caalamka in ay xal degdeg ah ka gaaraan xaaladdan xasaasiga ah ee soo korodhay.
Tan ayaa imanaysa xilli goor sii horreysay uu Trum sheegay in Ciidanka Marekanku fuliyeen "Hawgal Guuleystay”.
Goordambe oo xalay ah ayuu Mareykanku duqeeyay saddex goobood oo lagu farsamayn jirey Nukliyeerka.