Muxuu daaran yahay socdaalka taliyaha AFRICOM ee Hargeysa, Berbera ilaa Addis Ababa? [WARBIXIN]

Sunday June 22, 2025 - 11:32:47
Liibaan Jeexoow
Wefti culus oo isugu jiray diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo uu ka mid ahaa taliyaha ciidanka Maraykanka ee Afrika, gaalka lagu magacaabo Micheal Langley ayaa muddo labo cisho ah ku gaaf-wareegayay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee waqooyiga dalka Soomaaliya.
Weftigan oo uu hoggaaminayay Safiirka Maraykanka ee fadhigiisu yahay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa arbacadii lasoo dhaafay kasoo degay magaalo-madaxda maamulka riddada Somaliland ee Hargeysa, waxaanay kulamo fool-ka-fool ah la qaateen C/Raxmaan-cirro oo ah madaxa maamulkaasi.

Ujeedka socdaalka weftigan Ameerikaanka ah ayaa lagu sheegay xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca ee labada dhinac iyo qiimaynta tayada kaabayaasha lagama maarmaanka u ah iskaashigaasi sida lagu xaqiijiyey bayaan kasoo baxay maamulka daba-dhilifka Somaliland.

Bayaanka kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamulka Hargeysa ayaa lagu xaqiijiyey in weftigan ka socday dalka Maraykanku, ay sidoo kale kormeer indho-indhayn iyo qiimayn ah kusoo mareen magaalo-xeebeedka istaraatiija ah ee Berbera.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in saraakiishan American-ka ah iyo Cirro ay ka wada-hadleen dekedda Berbera iyada oo warar hoose tibaaxayaan in maamulka Somaliland uu saraakiishan gaalada ah ka codsaday in la siiyo Ictiraaf taas bedelkeedna Mareykanka saldhig iyo garoon diyaaradeed laga siin doono magaalo-marsada Berbera.

Axmed Xuseen Ibraahim oo ah falanqeeye diiradda saara arrimaha Somaliland iyo guud ahaan adduunka oo faahfaahin ka bixiyey qaybaha weftigani uu ka kooban yahay ayaa sheegay in ujeedkeedu uu sidoo kale salka ku hayo dagaalka Iiraan iyo Xuutiyiinta uu kula jiro.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegay in taliska AFRICOM ay lixdii bilood ee u dambeeyey ay ugu yaraan 5 jeer booqdeen magaalo-marsada Berbera, iyadoo muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshaduna ay muujinayaan diyaaradaha dagaalka Maraykanka oo si toos ah ugu degaaya gegida diyaaradaha ee magaalada Berbera.

Waxa jira xogo kale oo iftiiminaya in weftiga Maraykanka ee Hargeysa ka degay uu xiriir la leeyahay socdaal Cirro uu horey u shaaciyey in dhwaan uu ku tegi doono Itoobiya. Waxaanay xogtu tibaaxaysaa in qodobadii ay ka wada-hadleen weftiga Maraykanka iyo M/weynaha Somaliland, ay fure iyo bud-dhig u noqon doonaan Wada-xaajoodka dhex-mari doona C/Raxmaan-Cirro iyo Abiy Axmed.

Qodobada kala ah meel-marinta damaca Itoobiya ee gelidda Badda Cas iyo qadiyadda madax-bannaanida maamulka riddada ah ee Somaliland ayaa lagu soo warramayaa in qaybay ka ahaayeen waxyaabihii kulankaasi lagu gorfeeyey, inkastoo aan lagu sheegin war-saxaafadeedka uu maamulka Hargeysa kasoo saaray booqashada weftiga Maraykanka.

Kadib markii weftigani ay soo afmeereen socdaalkoodan, ayaa haddana Taliyaha ciidamada Maraykanka ee AFRICOM Jeneraal Michael Langley uu u duullay magaalada Addis Ababa, isagoo jimcihii shalay kulano fool-ka-fool ah la yeeshay R/Wasaare Abiy Axmed iyo taliyaha ugu sarreeya ciidanka millateriga Xabashida Itoobiya gaalka lagu magacaabo Berhanu Jula.

Kulannadan ayay wararku sheegayaan in diiradda lagu saaray walaaca laba-geesoodka ah ee ay ka qabaan Awoodda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee kusii faafaysa Bariga Afrika iyo xoojinta sidii Itoobiya u gaari lahayd Badda Cas oo ay si buuxda isugu afgarteen.

Kulankan waxaa goob-joog ka ahaa saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada labada dal iyo safiirka Mareykanka u fadhiya Itoobiya gaalka lagu magacaabo Ervin Massinga oo dhawaan daboolka ka qaaday in dowladda Maraykanka ay ka go’an tahay xaqiijinta marin-badeedka ay rabto dowladda Itoobiya.

Birhanu M Lenjiso oo wasiir-ku-xigeen ka ah maamulka Abiy kana tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa sheegay in kulanka Taliyaha AFRICOM iyo madaxda Itoobiya uu kusoo aaday xilli ay cirka isku shareertay xiisadda Iiraan iyo Yahuudda, sida uu kusoo qoray bartiisa X.

Xildhibaanka oo sidoo kale sheegay in kulankani uu imanayo iyadoo dhawaan madaxweynaha Maraykanka uu Washington ku qaabilay safiirka Itoobiya, ayaa sheegay in tallaabooyinkani ay dhammaantood muujinayaan baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga amniga ee labada dal iyo in si xeel dheer loola tacaalo arrimaha Badda Cas.

Wasiir-ku-xigeenka Itoobiya waxa uu sidoo kale bartiisa X, ku xusay in Badda Cas ay tahay goob istaraatiijiya oo isha caalamku ay hayso isla markaana Itoobiya iyo Somaliland-ba ay ka faa’iidaysan karaan, iyadoo dagaalka Iran iyo Yahuuddu uu si toos ah xiriir ula leeyhay ayuu yiri ujeeddooyinka quwadaha kale ee ku sugan gobolka Badda Cas.

Geesta kale isla shalay kulan kale uu Abiy Axmed la yeeshay wakiillo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xisbiyada ayuu ku sheegay in uu socdo qorshe deg-deg ah oo xal waara looga gaarayo sidii Itoobiya ay ku hanan lahayd Marin-badeed, iyadoo u maraysa ayuu yiri shuruucda ganacsiga, sida shalay ay baahisay wakaaladda wararka Itoobiya.

Ra’iisul-wasaare Abiy waxa uu intaasi ku daray in arrinta dekeddu aysan ahayn ajande siyaasadeed, balse ay tahay badbaadada Itoobiya, isagoo xusay in deked la’aantu ay culeys badan ku heyso dhaqaalaha dalka, loona baahan yahay ayuu yiri in caqabaddaasi looga gudbo sida sida ugu dhakhsaha badan. Isagoo dalalka deriskana si duur-xul ah ugu sheegay in nabadi aanay jirayn haddii Itoobiya laga hor-joogsado damaceeda Badeed.

Tigrai Media House oo ah warbaahin diiradda saarta arrimaha Tigreyga ayaa bartiisa X sheegtay in isku-xirnaanta dhaqdhaqaaqyada millatari iyo diblomaasiyadeed ee heerka sare ah ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee Mareykanku u qabo Itoobiya iyo guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jirto Somaliland oo soo jiidanaysa indhaha caalamka.

Tri State Alert oo ka mida warbaahinta maxalliga ah ee dalka Maraykanka ayaa warbixin ayaa maalmo ka hor daabacday ku sheegtay in Somaliland tahay saaxiib ay dowladda Maraykanku isku haylayn karto iyo lammaane muhiim ah oo ku yaal Bariga Afrika.

Gaalka lagu magacaabo Andy Ogles oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maraykanka oo u warramay Tri State Alert ayaa sheegay in ay taageero buuxda la barbar taagan yihiin gooni isu-taagga Somaliland isla markaana ay rajaynayaan in Maraykanka ay la dhistaan iskaashi adag oo saaxiibtinimo.

Wargeyska Yahuudda ee The Time Of Israel ayaa warbixin uu shalay daabacay ku sheegay in ahmiyadda istaraatijiyadeed ee Somaliland ay kor u sii kacayso, iyadoo dedaalkeeda aqoonsi-raadintuna uu helay culays dheeraad ah, xilli Washington la hor dhigayo fursad ah inay taageerto lammaane dimoqraadi ah oo taageersan reer-galbeedka xilli gobolka uu isu beddelayo ayuu yiri wargeysku meel ay quwadaha kala duwan tartan ku galaan.

Sidoo kale waxaa jira wefti heerkiisu sareeyo oo ka socday hawl-wadeennada Kongareeska Maraykanka oo dhowr cisho ka hor iyaguna booqasho ku tagay maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, iyagoo kormeer kusoo sameeyey magaalada Berbera.

Weftigan oo labada xisbi ee Congress-ka Maraykanka ka koobnaa ayaa muddo dhowr cisho ah isaga kala gooshaayay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxaanay wararku sheegayaan inay u yimaaddeen xoojinta hawlgallada uu Maraykanku ka wado Geeska Afrika.

Isku wada duuboo socdaalkanweftigan Maraykanka ayaa la rumaysan yahay inuu ku qotomo xaqiijinta laba hadaf oo kala ah xaqiijinta saldhig millateri oo dowladda Maraykanku ka samaysato dekedda caalamiga ah ee Berbera iyo hir-gelinta damaca Itoobiya ay ku rabto inay ku xayuubsato qaybo ka mida xeebaha Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences