Mareykanka oo si toos ah uga qayb-qaatey dagaalka Yuhuudda iyo Iiraan.

Sunday June 22, 2025 - 08:03:06
Liibaan Jeexoow
Maamulka Trump ee Washington ayaa xilli dambe oo xalay ah si toos ah u weerarey saddex xarumood oo lagu sameeyo hubka wax gumaada ee nukliyeerka.
Dagaalkan oo galey maalintii 10aad waxa uu Trump ka dhawaajiyey in howlgal uu ugu yeeray "mid aad loogu guuleystay” uu ka fuliyey Fardaaw, Nataans iyo Asfahaan.

Waxa aanu intaa raaciyey in la gaaray xilligii Iiraan isdhiibi lahayd.

Weerraradan oo ay gaysteen diyaaradaha Mareykanku ku faano ee B-2 ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee Mareykanku ka fuliyo Iiraan.

Dhanka Iiraan Wasiirka Dibedda Abbas Araqchi ayaa hore u xusay in haddii Mareykanku uu dagaalka ku soo biiro in ay ka dhalan doonto cawaaqib daran oo u xun cidkasta.

Iiraan waxa ay weerari kartaa saldhigyada millatari ee Maraykanku ku leeyahay mandiqadda taasna waxa u fududaynaysa kooxaha ku filiqsan gobolka ee siyaasaddeeda ku shaqeeya.

Inkastoo Trump iyo kooxdiisu sheegeen in ay geysteen "hawgal aad u guuleystay” haddana wararka ka soo baxaya Iiraan waxa ay tibaaxayaan in aanu jirin khasaare la tilmaami karo oo ka dhashay duqaymaha sida ay warisay Wakaaladda AFP.

Madaxweynaha maamulka Yuhuudda ee cadowga ah ayaa isaguna sheegay in uu soo dhawaynayo howlgalka Trump sida ay baahisay Al Jazeera.

Si kastaba ha ahaatee wali waxa la sugayaa goobta iyo goorta Iiraan ay weerari doonto ee Mareykanku leeyahay. Sidoo kale waxa aad loogu dheg taagayaa waxa jawaabta Iiraan noqon doonto.

Related Items

Update cookies preferences