Imtixaanaadka dugsiyada hoose dhexe iyo sare ee maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa saaka bilaabmay.
Wasiirka Waxbarashada Somaliland Ismaaciil Cadhoome oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyey tirada ardayda galaysa imtixaanka Somaliland kuwaas oo uu ku sheegay 40,176.
"Tirada ardayda imtixaanka u fadhiisanaysaa waa 40,176 guud ahaanna dalka uu ka bilaabmay imtixaanku” ayuu yiri
Dhanka kale mar wax kaga waydiiyey gobolka Sool oo Somaliland laga soo saaray magaalo madaxdiisa Laascaanood 2023 bal in uu imtixaanku ka socdo taas oo uu kaga jawaabay in Sool qaybo kamida imtixaanka la gaarsiiyay balse ay Sool Bari ka maqan tahay.
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro oo furay imtixaanaadka ayaa ardayda la hadlay isaga oo sheegay in imtixaanku lamid yahay imtixaannadii hore ee ay arday hore ugu fariisan jireen uun.
"farxad weyn bay ii tahay in aan maanta furo imtixaannada shahaadiga ah iyada oo aan ku suganahay dugsiga taariikhiga ah ee Faarax Oomaar” Cirro
Sidoo kale waxa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Garweyne kaas oo sheegay in imtixaanka looga dareeray inta ka dhex leh Saylac illaa degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Tan ayaa ku soo aadaysa xilli Dowladda Federaalku qaadday imtixaannadii dugsiyada sare bishan dhexdeeda. Somaliland ayaa isu aragta in ay tahay dowlad ka go’an Soomaaliya inteeda kale laakiin wali lama aqoonsan.