Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta hawl-gal qorshaysan ka fuliyey afaafka hore ee degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Hawl-galkan ayaa bartilmaameedkiisu ahaa maleeshiyaadka Laftagareen oo la sheegay inay dhaqdhaqaaq ka wadeen aaggaasi.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in weerarkaasi lagu dhaawcay saddex askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadkaasi, waxaana mid ka mid ah uu ahaa sarkaal unug.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo xalay dagaallo culus dagaallo culus lagu miray saldhiggayada maleeshiyaadkani ku leeyihiin isla degmada Waajid.
Xogta ayaa intaas ku daraysa in uu jiro khasaare kala duwan oo maleeshiyaadka Laftagareen kasoo gaaray weerarkaasi xalay oo ay fuliyeen dagaalyahannada Al-Shabaab.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: