Wararka laga helayo dagaalka usbuuca socda ee Sahaayinada iyo Iiraan ayaa tibaaxaya in duqaymo xooggan ay saaka ka dhaceen caasimadda Yuhuudda iyo magaalooyin kale.
Iiraan ayaa si wayn saaka u garaacday cisbitalka Sorooka ee lagu daawayn jirey Ciidamada Yuhuudda ee ku soo dhaawacma dagaallada ka socda Marinka Qaza.
Muuqaal ay baahisay warbaahinta Al Jazeera ayaa la arkayey kala orodka iyo qaylada ka yeeraysa gudaha cusbitaalka.
Wararka ka soo baxaya khasaaraha ay gaysteen gantaalaha Iiraan ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawacba jiraan.
Idaacadda Ciidanka Yuhuudda ayaa goor dhaweyd sheegtay in 48 saac ee u dambeeyay Iiraan ku duqaysay dalkooda 20 ilaa 30 gantaal.
Waxa kale oo Iiraan sawaariikhdeedu waxyeello wayn u gaysteen dhismayaasha dhaadheer ee Talaabiib.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: