Ku dhowaad 70 qof Tahriibayaal ah oo ku dhintay xeebaha wadanka Liibiya.

Thursday June 19, 2025 - 07:37:53
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ee dhaca mandiqadda Maqribul Islaam ayaa sheegaya in lixdameeyo qof ay ku dhinteen xeebaha wadankaasi xilli ay usii tahriibayeen qaaradda Yurub.
Ugu yaraan 60 qof oo Tahriibayaal ubadan Afrikaan ayaa lagu la'yahay badda isku xirta wadamada Liibiya iyo Talyaaniga waxaana loo badinayaa in dadkaas ay ku hafteen biyaha badda.

War kasoo baxay waxa loogu yeero hay'adda socdaalka Q.Midoobay ayaa lagu sheegay in meydadka 21 tahriibayaal ah oo lahelay ay kasoo jeedaan dalalka Masar.Ereteriya,Suudaan iyo Pakistan balse meydadka qaar lagaran waayay dalalka ay kasoo jeedaan.

Dadka dhintay ayaa ku safrayay Laash yar oo bac ka sameysan arrinkaas oo sababay in ay ku hoobtaan badda gunteeda,illaa iyo hadda lama oga in dadka ku dhintay xeebaha Liibiya ay ku jiraan tahriibayaal Soomaali ah iyo inkale.

Bishan gudaheeda tobanaan qof Soomaali ah ayaa ku dhintay xeebaha Aljazaa'ir xilli ay kusii jeedeen wadanka Spain ee qaaradda Yurub.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences