Muxuu daaran yahay galaangalka Shiinaha ee Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Soomaaliya? [WARBIXIN]

Wednesday June 18, 2025 - 13:57:06
Liibaan Jeexoow
Geeska Afrika waa marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya taasoo ka dhigtay meel lagu xisaabtamo marka la eego danaha siyaasadeed, dhaqaale iyo milatari ee quwadaha waaweyn, Shiinaha oo sanadihii dambe si xowli ah ugu fidayay caalamka ayaa si gaar ah u danaynaya gobolka gaar ahaan Soomaaliya oo leh mid kamida xeebaha ugu dheer qaaradda Afrika iyo kheyraad dabiici ah oo kala duwan.
Shiinuhu wuxuu loollan adag oo dhanka awoodda iyo dhaqaalaha kula jiraa reergalbeedka gaar ahaan Mareykanka sidaas daraadeed wuxuu doonayaa in uu gomodihiisa ku adkeysto qaaraddan gaar ahaan geeska oo leh istiraatiijiyad gaar ah.

In kasta oo Shiinuhu isku muujinayo mid gacan-wanaag iyo horumar bixinaya, haddana waxaa marba marka ka dambeysa soo baxaya hagardaamooyin qarsoon oo ku hoos jira mashruuc walba oo ay fulineyso xukuumada Biijiin.

Warbixintan waxaan ku eegi doonaa arrimahaas aan kor kusoo sheegnay inagoo daaha ka rogi doona damaca gurran ee shiinaha iyo hagardaamooyinka uu la maaganyahay buulshooyinka muslimiinta geeska Afrika.

Joogitaanka Shiinaha ee Soomaaliya ee la huwiyey gargaarka bani aadanimo balse lagu hoos qariyey hagardaamooyinka.

Shiinuhu waxa uu sanadihii dambe Soomaaliya ka fuliyay mashaariic badan kuwaas oo ay kamid yihiin dhismayaasha dekedaha, waddooyinka, isbitaallada iyo garoomada, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Shinwaa, Shiinuhu waxa uu lacago malaayiin dollar ah siiyay kooxda Villa Soomaaliya isagoo boor isku qaris ka dhiganaya horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Laakiin su’aasha muhiimka ah ayaa ah: ma u jeeddo ayaa ka dambaysa mise dan siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo qarsoon?

Shiinaha waxa uu heshiisyo badan la galay federaalka Soomaaliya, balse waxay u badan yihiin kuwo aan hufnaan lahayn sida lagu sheegay warbixin ay daabacday jariiradda The Guardian sanadkii lasoo dhaafay ee 2024, waxaana lagu yiri nuqul kamid ah warbixintaas "Shiinuhu wuxuu dhaqaalihiisa badanaa u adeegsadaa si uu u xakameeyo dawladaha saboolka ah, isagoo ka faa’iideysanaya daciifnimadooda.”

Sidoo kale warbixinada ayaa muujinaya in Shiinuhu dhismayaasha uu kawado dekedaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ay ku hoos jirto dano kale oo militari taasoo aysan ku baraarugsaneyn Soomaali badan oo maanta nool.

Dhismaha dekedaha sida midda Hobyo iyo Berbera waxaa ku hoos jira arrimo la xiriira qalabeyn saldhigyo iyo xarumo sirdoon, waxay tani caddaanaysa in Shiinuhu uusan wadin wax la dhoho dib u dhis dakadeed ee uu wato danihiisa gaarka ah uuna raadineyo joogitaan milatari oo si dadban u fida.

Wargeyska Foreign Policy ayaa bishii Janaayo ee sanadkaan 2025 qoray warbixin nuqul kamid ah ay ahayd "Saldhigga Shiinaha ee Djibouti wuxuu ahaa tijaabo guuleysatay, taasoo hadda dhiirrigelisay in laga hirgeliyo meelo kale oo muhiim ah oo gobolka ka tirsan.” taasoo si cad u muujineysa in meesha xigta ee Shiinuhu uu indhaha ku haayo ay hadda tahay Soomaaliya marka laga hadlayo gobolka geeska Afrika.

Fashilka Shiinaha uu kala kulmay Yurub iyo Aasiya marka laga hadlayo dhaqaale boobka iyo Afrika oo uu u arkay beylah cidna aysan ka hor taagneyn iyaduna waa qodob aan ku dul istaagi doono warbixintan.

Shiinuhu waxa uu wajahaya caqabado dhaqaale iyo siyaasadeed oo culus kuwaas oo uga imaanaya dhanka qaaradaha Yurub iyo Aasiya, kuwaas oo intooda badan waqti xaadirkaan laga qariyo warbaahinta maadaama Shiinuhu uu doonayo inuu mustaqbalka noqdo badiilka reer yurub.

Warbixinada ayaa muujinaya in hindisaha Belt and Road Initiative oo loo soo gaabiyo (BRI) laga laabtay dowladda Shiinaha, mashruucan ayaana Biijiin kasoo gali jiray malaayiin dollar oo sanadle ah.

Waddamo badan oo Yurub iyo Aasiya kamid ah, sida Talyaaniga, Malaysiua iyo Jeeg Republic, ayaana hindisanahan ka baxay sababo la xiriira dayn ku rididda iyo hufnaan la’aan sida uu shaaciyay warbixin ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.

Fashilkaas iyo kuwa kale oo fara badan ayaa sababay in Shiinuhu uu si buuxda u jeesto Afrika, si markaan uu damacyadiisa uga hirgaliyo dhulal badan oo dhaca qaarada oo ay ku jirto Soomaaliya.

"Shiinuhu wuxuu Afrika ka helay il dhaqaale oo xor ah, aanan su’aalo badan la iska weydiin, taasoo ka duwan Yurub iyo Aasiya oo tallaabooyin sharciyeed horay uga qaaday." waxaa sidaas lagu yiri warbixin ay daabacday shabakada wararka ee Al-Jaziira.

Shaqo-abuurka beenta ah ee Shiinaha iyo dhagaro baaxad leh ayaa ku hoos duugan arinkaas.

Inkastoo ay u muuqato in Shiinuhu uu wax badan dhisayo, haddana xogo badan ayaa muujinaya in aysan jirin shaqo abuur rasmi ah, balse ay kaliya faa’iido ku helaan shirkado Shiinays ah, tusaale ahaan shiinaha ayaa heshiisyo tira beel ah oo dhanka kalluumeysiga ah ka heysta kooxda Villa Soomaaliya iyo maamulka dabadhilifka Puntland.

Dhammaan xukuumadihii soo maray Soomaaliya ayaa shirkadaha shiinayska ah u saxiixay heshiisyo u ogolaanaya in ay gurtaan Kalluunka dhax ceegaaga badda soomaaliya, shirkadaha shiinaysta ayaa jarriif daran ku haya noolaha badda waxaana muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen doomaha shiinaha oo si xad dhaaf ah shabaagado ugu xaalufinaya kalluunka.

Maraakiibta Shiinaha ayaa shabaagado waaweyn ku qaaqaya kalluunka iyo ukumihiisa sidaas oo kale waxay xaalufiyaan cowska kalluunku ku noolyahay ee kuyaal moolka fog ee badda Soomaaliya.

Warbixin ay daabacaday mid ka mid ah warbaahinada Ingiriiska sanadkii 2024 ayaa sheegeysa in qandaraasyada mashaariicda uu Shiinuhu bixinayo ay si toos ah ugu dhacaan gacanta shirkado laga leeyahay wadanka Shiinaha, ganacsatada iyo xoogsatada Soomaaliyeedna aanan si siman looga qeyb galin midkii helana qaab eex ah lagu siiyey.

Sidoo kale waxaa jirta cabsi laga qabo in mashaariicdaasi ay dalka gelinayaan deyn aan laga bixi karin, taas oo xukuumadda Muqidisho u horseedi karta in ay khasab ku noqoto in ay siiso Shiinaha kheyraad dabiici ah sidaba horay loo arkay.

Joogitaanka Shiinaha ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika wuxuu noqday mid ay ku dhisan in si hoose loo naafeeyo dhaqaalaha wadamada soo koraya, min laga soo bilaabo galbeedka qaarada iyo jihooyinkeeda kale oo dhan ayeyna dowladda Shiinaha qorsheyneysaa in ay ka fuliso damacydeeda guracan sida lagu waramayo.

Sida ay sheegtay majalada The Economist dalalka Afrikada Bari oo ay Soomaaliya ka mid tahay waxay halis ugu jiraan in ay noqdaan dalal lagu tababarto xeeladaha istaraatiijiyadeed ee quwadaha, oo ay ula jeedo iney Soomaaliya noqoto Academy-yad lagu barto sida wax loo boobo iyo sida loo meel mariyo ajandayaasha guracan hadana qarsoon.

Dalka Soomaaliya oo 30-kii sano baylah u ahaay faragelinta shisheeye iyo boobka dhaqaale ayuu xaalkiisu u egyahay dal ba'ayoow yaa ku leh oo kuu maqan!.


Related Items

Update cookies preferences