Kooxda Gurguurte oo mar kale heshiis lagu boobayo kheyraadka Badda la gashay Turkiga.

Wednesday June 18, 2025 - 12:04:52
Liibaan Jeexoow
Sida ay sheegtay kooxda Villa Soomaaliya, heshiis laba geesood ah ayaa markale dhexmaray kooxdan qawlaysatada ah iyo dowladda Turkiga kaasoo ku qotoma sidii uu Turkiga u boobi Kalluunka ku jira Badda Soomaaliya.
Heshiiskaan xaaraanta ah ayaa kooxda Gurguurte waxaa u saxiixay wasiirka Kalluumeysiga ninka lagu magacaabo Axmed Xasan Aadan, halka dowladda daba-dhilifka ah ee Turkigana ay ka socotay shirkad lagu magacaabo (OYAK) oo laga leeyahay dalkaasi.

Qodobada ku xusan heshiiskaani ayaa waxaa ka mid ah inay shirkada Turkiga ka socoto ay qaadaynayso qeyb ka mid ah dhaqaalaha kasoo xaroonaya Kalluunka Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumaysiga kooxda Villa Somaliya ayaa sheegay in heshiiskaani ay ka helayaan mashaariic lagu hormarinayo kalluunka Soomaaliya taas badalkeedana shirkada Turkiga ay maamuli doonto dhaqaalaha kasoo xaroonayo Kalluunka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeeysay ee kooxda Villa Soomaaliya ay heshiisyo nuucaan oo kale ah la gasho Turkiga kaasoo loogu gacan-galiyey inuu boobo kheyraadka dhex-ceegaaga Badda Soomaaliya, iyadoo horay ugu saxiixday inuu qaato shidaalka Soomaaliya ku jira.

Horaantii sanadkaan ayey ahayd markii Xasan Gurguurte iyo kooxdiisu ay heshiis Kalluumeysi ah la galeen shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaana heshiisyadaan ku biirayaan boob xooggan oo dowladdaha shisheeye ku hayaan kheyraadka Soomaaliya.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences