Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Pakistan Sayid Asim Munir ayaa maanta lagu wadaa in uu ka dego magaalada Washington halkaas oo uu kula kulmi doona Madaxweynaha dalkaas Trump.
Saxaafadda Pakistan ayaa tebinaysa in kulanka Trump iyo Asim uu ku beegan yahay 1:00pm ee wakhtiga Mareykanka.
Kulankan ayaa noqonaya safar sida la qorsheeyay 5 cisho ah oo Taliyaha Ciidanka Pakistan uu ku qaadan doono Mareykanka.
Kulankan oo albaabadu u xirnaan doonaan ayuu sarkaalkani la qaadan doonaa xubno ka tirsan Xukuumadda Trump.
Dalka Pakistan ayaa noqday dalkii koowaad ee iclaamiyey in ay garab taagan yihiin Iiraan xilli uu socdo dagaalka Yuhuudda-Shiicada.
Dhanka kale waxa xusid mudan in dagaalkii dhawaan ka dhexqarxay India-Pakistan si weyn loogu ogaadet awoodda aan la dheyalsan karin ee Pakistan.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: