In ka badan 1,200 oo qof oo macaluul ugu dhintay dalka Suudaan.

Monday June 16, 2025 - 13:54:03
Liibaan Jeexoow
Warbixin cusub oo soo baxday ayaa xaqiijinaysa in inka badan 1,200 oo qof oo Saadaanees ah ay gaajo ugu dhinteen gobollo ay ka socdaan dagaallo aad u culus oo u dhaxeeya ciidanka millatariga iyo fallaagada RSF.
Warbixinta oo uu baahiyay wargayska lagu magacaabo Suudaan_ tribune oo soo xiganaya masuul reer galbeed ah oo ka tirsan koox ka socoda midowga gaalada reer Yurub oo sheegta inay ka shaqayso arrimaha bini’aadannimada, ayaa sheegay in dagaallada ka socda koonfurta gobolka Kurdofan iyo Darfuur uu bilihii u dambeeyay sababay dhimashada inka badan 1,200 oo xubnood oo gaajo awgeed ugu geeriyooday labadaasi gobol.

Mas’uulka uu wargaysku soo xiganayo ayaa intaas ku daray in gaajada ba’an ee ka jirta labadaasu gobol ee dagaalladu saameeyeen ay tahay mid ka mid ah musiibooyinka ugu daran ee taagan tan iyo markii dagaalku qarxay.

Wuxuu intaas sii raaciyay in dadka Suudaaneeska ah ee deegannadaasi ku dhaqan ay u nugul yihiin inay gaajo u le’daan, waxaana intaas dheer buu yiri cunto yari baahsan iyo in dadkaasi rayidka laga xannibay in lasoo gaarsiiyo gargaarka.

Dagaalka ka socda waddanka Sudan oo qarxay bishii Abriil ee sanadkii 2023-kii, ayaa gallaaftay nolasha dad fara badan oo shacab ah, inkastoo aysan jirin tiro_koob rasmi ah oo lagu ogaan karo dadka ku dhintay dagaalladaasi, ayaa haddana qiyaasaha qaar waxay sheegayaan in tirada dhimashada ay gaartay ilaa 20,000, halka qaar kalena ay aad uga badinayaan numberkaasi.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences