Cillad ku timi diyaarad Hindiya leedahay oo hawada ku jirtay.

Monday June 16, 2025 - 13:45:02
Liibaan Jeexoow
Mid ka mida diyaaradaha rakaabka oo kusii jeedday caasimadda Hindiya ee New Delhi, ayaa dib ugu laabatay magaaladii ay kasoo kacday kadib markii iyadoo hawada ku jirta laga shakiyey in ay lasoo deristay cillad farsamo.
Afhayeen u hadlay Air India ayaa warbaahinta u sheegay in shirkaddu aanay weli xaqiijin nooca ay tahay cilladda farsamo balse duuliyuhu uu shakiyey kadibna uu dib ugu celiyey diyaaradda magaaladii ay kasoo duushay ee Hongkong.

"Waxaan bixinaynaa dhammaan gargaarka lagama maarmaanka ah si loo yareeyo dhibka ka dhalan kara carqaladdan lama filaanka ah" ayuu afhayeenku ku daray.

Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 787-8 Dreamliner, ayaa hadda lagu sameynayaa baaritaanno, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xigatay ilo-wareedyo.

Dhacdadan ayaa imanaysa maalmo uun kadib markii diyaarad sidoo kale leedahay Air India ay gebi ahaanba burburtay, wax yar uun kadib markii ay ka kacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Axmed-abad ee galbeedka dalka Hindiya.

Dadkii saarnaa diyaaraddaasi oo tiradoodu ahayd 242 qof ayaa gebi ahaanba ku naf-waayay shilkaasi, kuwaas oo u kala dhashay dalalka Hindiya, Ingiriiska, Portugal iyo Kanada.

Sidoo kale isla maalinnimadii shalay waxaa gobol dhaca bariga Hindiya oo la yiraa Jharkhand ka dhacay shil diyaaradeed oo ay ku qur-baxeen 7 qof. Waxaana nooca diyaaraddaasi lagu sheegay inay ahayd kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka.

Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub:

Related Items

Update cookies preferences