Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya hawl-gal isugu jira dagaal toos ah iyo qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab galabnimadii shalay ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye.
Hawl-galkan oo khasaare culus geystay ayaa lagu bartilmaameedsaday kolonyo isugu jira ciidamada Afrikaanta, gaar ahaan Ugaandhiiska iyo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi lagu dilay ugu yaraan 10 askari oo Ugandhiis ah iyo 11 askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Gurguurte.
Sidoo kale hawl-galkaasi waxaa lagu dhawaacay ugu yaraan 32 askari oo isugu jira ciidamada Yugaandha iyo maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.
Xogtu waxa kale oo ay tibaaxaysaa in qaraxaasi lagu gubay gaari Beebe ah oo ay wateen maleeshiyaadka dabadhilifka ee Gurguurte.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir Channels-kan cusub: