Xilli boqolaal qof Soomaali ah ay sanad walba ku dhintaan badaha kala qeybiya qaaradaha Yurub iyo Afrika ayuu mid kamida hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifka ee Soomaaliya ka hadlay sababta ay dhalinyaradu utahriibayaan.
Saciid Cabdullaahi Deni oo ah hoggaamiyaha maamulka isugu yeeray Puntland ayaa maxfal siyaasadeed ka sheegay in maamullada shisheeyaha ku daaban ee Soomaaliya ka jira ay mas'uul ka yihiin tahriibka dad Soomaaliyeed ee ku dhammaanaya badaha caalamiga ah.
Isagoo khudbad u jeedinayay xildhibaannada baarlamaanka maamulkiisa oo ku kulmay magaalada Garowe ayuu carrabaabay in hoos udhaca dhaqaale,musuq maasuqa iyo eexda ay ku kacaan siyaasiyiinta soomaalida ay sabab u tahay tahriibka sii baahaya.
"dhalinyaradeenii hankii baan ka dilnay,rejadii baan ka baabi'inay mustaqbalkoodii baan god ku ridnay,xaq ayay uleeyihiin in ay badda isku tuuraan mas'uuliyadoodi baan gabnay" ayuu yiri Saciid Deni.
Shantii bilood ee lasoo dhaafay boqolaal qof Soomaali tahriibayaal ah ayaa ku dhintay badweynta Hindiya iyo badda Medetereeniyaanka xilli ay doonayeen in ay galaan dalalka qaaradda Yurub.